Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasi Cali Guray oo si adag u diray Xildhibaanada Maxkamada Sare Dacwada u gudbiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Siyaasi Cali Guray oo si adag u diray Xildhibaanada Maxkamada Sare Dacwada u gudbiyey

guray.jpg
DANAYSO ADOO LAHAA
MAR BAAD DACAR QOOSHATAA
DHUNKAAL KA DURDUURATAA
Nimanka Maxkamada Sare u dacwooday ma xeer aan golahuhuba ka doodin codna u qaadin bay doonayaan in duuduub gar loogu siiyo. Oo yaa loo garqaadayaa een ahayn iyaga iyo Madaxwaynihii dib u soo celiyay? Mise waxa uun loo adeegsanayaa in khilaaf aan jirin dalka qasab looga abuuro oo SOMALILAND foodda la isu wada sudho si aan wax doorasho ahi uga qabsoomin? Oo tolow yaa ku faaiidaya een ahayn cadowga Somaliland?
Anigu cadowga koobaad ee SOMALILAND cid kale uma aqaano ee waxan u aqaan Doorasho-diidka kuwan iyo ciddii taageersani ay kow ka yihiin. Waayo Doorasho-diidka waynu naqaan oo dan qaran ma wadaan. Danta Somaliland waxa wada Doorasho-doonka. Kuwan iyaga waxa loo adeegsanayaa uun dano gaar ah oo kuwo gaar ahi ay kala leeyihiin ama wada leeyihiin.
Madaxwaynuhu waa ku sax soo celinta Xeer 14 sababaha uu ku soo celiyayna waa kuwo sharciga waafaqsan, iyo maaha eh Madaxwaynuhu wuu ku qaldan yahay, waa labadaas eh tolow dhinacee ayuu la jiraa Madaxwaynuhu? Marka aynu eegno nimanka Maxkamadda Sare hor tubnaa waa mafhuum. Nin rag ahi wuu garanayaa nacasna loo sheegi maayo.
Waxa yaab ah hadii kuwan dambe ay sax yihiin dabcan waxay ahayd in markiim hore uu Madaxwaynaha gaadhay muddo 25 cisho gudahood ah ku saxeexo. Umuu baahnayn wadadan dheer uu qaaday ee ku sababeeyay soo celintiisa ee wakhtiga badan uu ku lumiyay haddana ay ku kala jabeen xildhibaanadii cusbaa oo badankoodu noqday kuwo la kala leeyahay oo inba cidii lahayd ay hadba xero ku xeraynayso. Halkanba xildhibaanada cusub badankoodu may soo dhigan in ay yiihiin xildhibaano qaran oo xilkoodu yahay xil wadareed oo looga fadhiyo inay wadar ahaan u gutaan. Khasaare waxa ku qaba shacbigii soo doortay oo runtii ku hungoobay kuwo badan golahan cusub ka mid ah. Xaalka shacbigu waa tii AHN Ibraahin uu hore u sheegay. Waa kii lahaa
DANAYSO ADO LAHAA
MAR BAAD DACAR QOOSHATAA
DHUNKAAL KA DURDUURATAA…M
May be an image of 5 people

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this