Deeq A. Posted December 21, 2021 (SLT-Dubai)-Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa go’aansatay in hadda wixii ka dambeeya filimada loogu talla galay dadka waaweyn aan la xakameyn doonin, markii shaleemooyinka laga sii deynayana shuruud looga dhigi doono oo kaliya in da’da dadka la daawanaya, qof walba oo 21 jir ah ama ka weynna loo fasixi doono. Wasaaradda Dhaqanka, Dhallinyarada iyo Shuruucda Warbaahinta ayaa sheegtay in ilaalinta dada ee ku asteysan 21 la hirgeliyay laga billaabo 19-kii bishan December, taasoo ka dhigan in dadka da’daas leeg ay daawan karaan filimada anshax xumada ah oo aan waxba laga jarin. Bayaanka kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu qeexay in filimada caalamiga ah laga shidi doono shaleemooyinka, hase ahaatee aad loo adkeyn doono sharciga da’da, sida uu qoray wargeyska dowladda Imaaraadka. Maamulka shaleemooyinka ayaa loogu baaqay inay dadka weydiiyaan sharciga aqoonsiga, si ay da’dooda u xaqiijiyaan. Hore waxaa Imaaraadka looga daawan jiray filimada caalamiga ah balse waxaa sharci ahayd in laga reebo meelaha anshax xumada ah ee ku jira filimadaas. Source Share this post Link to post Share on other sites