Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi Oo Kulan Gaar Ah La Yeeshay Xildhibaannada Beeshiisa Ee Golaha Wakiillada, Maxay Ka Wada-hadleen??

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Tan iyo markii uu soo baxay murranka xeerka foodsaarka laga dhigaynayo ee xeerka uruurrada iyo axsaabta,ayaa waxa soo ifbaxday mar qudha in Xildhibaannada Beesha Madaxweyne Biixi ee Golaha Wakiillada ay si aan kale hadh lahayn ay ula safteen Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,waxaana xusid muddan in aanay ku kale baydhin arrintan Xildhibaannaddii Xisbiyadda Mucaaradka ka soo baxay iyo kuwii KULMIYE ka soo baxay-ba.

Wallow ay Xildhibaannada Beelaha kale ee Golaha Wakiillada ay kale qaybsan yihiin,isla markaana ay labada garab ku kale jiraan,hase-yeeshee waxa marrag maddoona in Xildhibaannada Beesha Subeer Awal ay iyagu dhammaan la safan yihiin Xukuumadda Madaxweyne Biixi,kuwaas duubka u xidhay inay gar iyo gardaba difaacaan Madaxweyne Muuse,waxaanay taasi dhalisay haddal hayn baddan bulshadda dhex-deeda iyo guux.

Dhanka kalene dadka qaar ayaa iyagu ku macnaayey arrintan inay tahay mid qabyaaladeed,waxaanay dadka qaar ku sheegeen inay qab-yaalad ku raaceen Madaxweyne Biixi,balse aannay ku raacin arragti siyaasadeed,maddaama oo ay isku beel yihiin,halka dadka qaar-na ku macneeyeen in Madaxweyne Biixi uu siidhiga u afuufay,isla markaana ay ku shaqaynayaan rabitaankiisa.

Waxa kale oo ay xoggo aanu helnay ay sheegeen in Madaxweyne Biixi uu u gacan haadiyey Xildhibaannada Beeshiisa,isla markaana uu ka dalbaday inay taageeraan qorshihiisa uu hadda watto ee murranka uu curriyey ee xeerka ururrada siyaasaadda,kaas oo uu hore u soo diiday inuu saxeexo,kuwaas oo la sheegay inay aqbaleen,isla markaana ay ballan-qadeen inay sida uu jecel yahay ay ciyaarta u dheellaan.

Sidoo kalena Siyaasi Cali Guray ayaa sheegay in arrintan ay keeni karto in Xildhibaannada Beelaha kale ee ka soo baxay Xisbiga KULMIYE inay qadaan jidkaas qaybyaaladeed ee uu jeexay Madaxweyne Biixi,”Waxa aan ka baqayaa inay keento taasi illayn ragga lama xiniinyo taab-tee marka aad in taada reer Hebel halkan soo mariso in kuwa reer hebel oo xaggan joogaa ay yidhaah-daan annana xaggan ayaanu marnay.”

Geesta kale waxa xusid muddan in Madaxweyne Biixi uu wakhtigii loollankii shir guddoonka Golaha Wakiillada in Xildhibaannadii Beeshiisa ee ka soo baxay Xisbiyadda UCID iyo WADDANI uu dhammaan u gacan haadiyey,kuwaas oo iska xaadiriyey mar qudha Madaxtooyadda,isla markaana u coddeeyey Musharraxii hadhay ee uu duduceeyey ee Faratoon.

Isku soo wadda duubbo Xildhibaannada Beesha Subeer Awal ee ka soo baxay Xisbiyadda WADDANI iyo UCID, ayaa xiisadan hadda u dhaxaysa Xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo mucaaradka,waxay qabyaalad caddaan ah ku raaceen Madaxweyne Biixi,kuwaas oo si badheedh ah uga soo horjeestay Xisbiyaddii ay ka soo baxeen,balse waxaynu eegnaa inay ku guullaystaan qorshahooda qabyaaladeed iyo in sidii shir guddoonka warkoodu uu noqdo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this