Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaannada Mucaaradka Ee Golaha Wakiillada Oo Kar-karinaya Mooshin Maamuus-ka Lagaga Xayuubinayo Madaxweyne Biixi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddidii uu Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirasaaq Khaliif Axmed uu u magacaabay xalinta khilaafkii Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa shaaca ka qaaday in ay ku guul-darraysteen xalinta khilaafkaas, kuwaas oo sheegay in Xildhibaannada taabacsan Xukuumadda Madaxweyne Biixi ay dhankooda ka socon weyday arrintu, isla markaana ay noqdeen gar-maqaatayaal.

Sida ay bulshada Somaliland ka wada war-qabto toddobaadkii hore ayuu khilaaf hor leh oo weerar iyo weerar celis ah, una dhexeeya Golaha iyo koox Xildhibaanno ah oo cilaaqaad ama gacan-saar la leh Qasriga Madaxtooyada, had iyo jeerna ku sawirran difaaca dannaha Xukuumaddu Golaha ka leedahay Sharci iyo Sharci-darro midkay doonaan ha noqdaane. Khilaafkan cusub oo sida ka muuqatay dooddaha labada dhinac nuxurkiisu ku arroorayey Xeerkii ururrada siyaasadda iyo axsaabta,kaas oo uu Golaha Wakiillada dib ugu soo celiyey Madaxweyne Biixi.

Guddi Xildhibaanno ah ayaa uu u saaray Guddoomiye Khaliif xalinta khilaafka Xildhibaannada Golaha Wakiillada, kuwaas oo loo diray sidii Xildhibaannada ay iskugu soo dhaweyn lahayeen, balse Guddoomiyaha guddida oo war-baahinta la hadlay shalay ayaa sheegay in Xildhibaannada Garabka Xukuumadda ay noqdeen gar-maqatayaal, is markaana ay guddidii ku guul-darasatay xalinta khilaafkaas, waxaanu sheegay in shir guddoonka Golaha ay arrinta ku celiyeen “Annagoo ah Guddidi gaarka ahayd ee loo xil-saaray in aanu xalino,waanu ku guul-darraysanay in aan xalino khilaafkaas,waxaanu arrintii dib ugu celinay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo markii hore hawshaas noo magacaabay” .ayuu yidhi Xildhibaan Mukhtaar Maydhane

Waxa kale oo u sheegay in Xildhibaannada Xukuumadda taabacsan ay dhankooda arrinku ka socon waaydey “Waxa’se ay wax ka socon waayeen garabka mashruuc sharci ,waxaanay maalintii koobaad qateen laba qoddo,balse intii dambe way ku adkaysan karri wayeen,waxa kale oo ay ku adkaysanayeen in aan jidadka sharci ee la heli lahaa la marrin,maankooduna uma uu furnayn in wax la isla soo dhaweyn karro,Garabkaa mooshinku iyaga ayaa ooday fursadihii lagu eegi lahaa inta jid ee bannaan ee xalinta khilaafka loo marri lahaana wey diideen “

Geesta kalene xoggo uu Wargeyska Waaberi helay ayaa sheegay in Xildhibaannada mucaaradku ay iyana dhankooda kar-karrinayaan mooshin maamuus-ka-xayuubin ah,kaas oo ay la damacsan yihiin Madaxweyne Biixi inay ku sameeyaan maamuus-ka xayuubin,waxaana xaalka mucaaradku uu yahay mid u muuqda qaniin-yo ayaa qaniinyo kaa fujisa.

Waxa kale oo xoggaha annu helnay ay xuseen in Xukuumaddu ay waddo qorshe kale,kaas oo ay ku doonnayso in xaalada khilaafka Xildhibaannada Golaha Wakiillada inay u waarido dhankaa iyo Golaha Guurtida si ay u dhex-dhaxaadiyaan,isla markaana ay jidka ay jeceshay u marriyaan murrankan,waxaana xalay socday dhaq-dhaqaaq-yo la xidhiidha arrintaas,kuwaas oo ay wadeen xubno ka tirsan Xukuumadda iyo Xildhibaannad taabacsan qaarkood.

Si kastaba ha- ahaatee, waxay arrimuhu ay si dhab ah u kala cadaan doonaan, isla markaana la kala ogaan doonaa xaaladdaha murrugsan maalmaha fooda inagu soo haya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this