Deeq A. Posted December 21, 2021 Wararkii u dambeeyay ee magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in weli halkaas uu ka socdo dagaalkii saaka bilowday. Dagaalka oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo ciidamo ku sugan xarunta hay’adda PSF oo ka amar-qaata Agaasimihii xilka laga qaaday Maxamuud Cismaan Diyaano. Dad shacab ah oo ku dhaawacmay dagaalka ayaa la geeyay qaar kamid ah xarumaha Caafimaadka Boosaaso sida ay Puntland Post u xaqiijiyeen shaqaalaha caafimaadka. Labada dhinac midna weli si rasmiya ugama hadlin khasaaraha ka dhashay dagaalka. Sidoo kale xaafadaha ku dhow xarunta hay’adda PSF ayaa laga bara-kacay waxaana jira qoysas ka baxay magaalada. PUNTLAND POST The post Wararkii u dambeeyay ee dagaalka Boosaaso appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites