Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Abiy Ahmed Oo Ku Gacan Saydhay Go’aankii TPLF Ee Ahaa Inay Ka Baxayaan Dhammaan Gobolladii Ay Qabsadeen.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Xukuumaddda raysal wasaare Abiy Ahmed ayaa ku gacan saydhay go’aanka ay ku dhowaaqeen mucaaradka Tigray-ga ee ay kaga baxeen gobollada deriska la ah ee Afar iyo Amhara.

“Waxaan hadda dhameystirnay ka bixitaanka ciidamadeena ee gobollada Amhara iyo Afar,” waxaa sidaas twitter-ka ku qoray afhayeenka TPLF Getachew Reda.

Tallaabadan lama filaanka ah ayaa dhabbaha u xaadhi karta xabad-joojin la gaadho kadib 13 bilood oo dagaal qadhaadh ah.

Afhayeenka Abiy Ahmed Billene Seyoum ayaa ku gacan saydhay ku dhowaaqista mucaaradka oo ay ku qeexday mid lagu qarinayo guul-darrooyin millatari.

“TPLF waxaa ku dhacay khasaraooyin weyn toddobaadyadii dhowaa, sidaas darteedna waxay sheegayaan ‘dib u garasho xeeladeed’ si ay u qariyaan guul-darrooyinkooda,” ayey u sheegtay AFP.

“Weli waxaa jira qeybo ka mid ah gobolka Amhara oo ay joogaan iyo sidoo kale furimo kale oo ay isku dayayaan inay dagaal ka furaan.”

Dhinaca kale, dowladda Mareykanka ayaa ka fal-celisay go’aanka Tigray-ga, wuxuuna afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Ned Price uu sheegay in haddii la xaqiijiyo dib u gurashada TPLF “ay tahay arrin ay soo dhoweynayaan.”

“Waa arrin aan ku baaqeyno, waxaana rajeyneynaa inay albaabka u furi doonto diblomaasiyad ballaadhan.”

Warqadda uu diray QM ayuu hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael ku baaqay in hawada gobolka Tigray laga dhigo aag duulimaadyada ka caagan, cunaqabateyn hub oo lagu soo rogo Ethiopia iyo xulufadeeda Eritrea iyo in la dejiyo hab ay QM ku xaqiijin karto in dhammaan ciidamada banaanka ka yimid ay ka baxaan Tigray.

QM ayaa hore dowladda ugu eedeeyey inay xayiraad kusoo rogtay gobolka – eedeyntaas oo dowladda ay beenisay.

“Waxaan fileynaa in maadaama aan ka baxeyno, in bulshada caalamka ay wax ka qaban doonaan xaaladda Tigray, maadaama aysan hadda kadib qiil ka dhigan karin in ciidamadeena ay qabsanayaan Amhara iyo Afar,” waxaa sidaas Reuters u sheegay afhayeenka TPLF Getachew Reda.

Hindisaha kale ee ku jiray warqadda uu Debretsion u diray QM ayaa waxaa ka mid ahaa in lasii daayo kumanaanka qof ee maxaabiista siyaasadeed ee Tigray-ga ah ee u xidhan dowladda iyo in baadhayaal caalami ah ay raadiyaan kuwa ka mas’uulka ah dambiyada dagaal.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this