Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada TPLF Oo Iskaga Baxaya Gobollada Amxaarada Iyo Cafarta

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Ciidamada TPLF ee dagaalka kula jira dowladda dhexe yaa iskaga baxaysa gobollada Amxaarada Iyo Cafarta, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidammada Tigreega maanta oo Isniin ah.

“Waxaan ku kalsoonnahay in ficilkayaga geesinimada leh ee ka bixitaanku in uu noqon doono bilowga nabadda,” ayuu qoray Debretsion Gebremichael, madaxa xisbiga TPLF oo ah xisbi siyaasadeedka gacanta ku haya inta badan gobolka waqooyi ee Tigray.

Warqad uu u diray Qaramada Midoobay waxa uu Gebremichael, ku baaqay in la sameeyo aag ka caaggan duulimaadyada diyaaradaha dagaalka ee Tigraay, isla markaana la saaro cunaqabataynta hubka Itoobiya iyo xulafadeeda Eritereeya, lana sameeyo hab lagu xaqiijiyo in xoogagga hubaysan ee aan Itoobiyaanka aheyn ay ka baxeen gobolkooda.

Dagaalka ka socda dalka labaad ee ugu dadka badan qaarada Afrika ayaa waxa uu khalkhal galiyay gobolka geeska Africa, iyada oo 60,000 oo qaxoonti ah galeen dalka Sudan.

Debretsion wuxuu sheegay inuu rajaynayo ka bixitaanka Tigrayga, ee gobollada Canfarta iyo Amxaarada, ay ku qasbi doonto beesha caalamka inay xaqiijiso in cunnada gargaarka ah ay soo gasho Tigrayga.

Qaramada Midoobay ayaa hore ugu eedeysay dowladda inay waddo go’doomin dhab ah – eedeymahaas oo ay dowladdu beenisay.

“Waxaan rajaynaynaa in marka aan ka baxno, beesha caalamku ay wax ka qaban doonto xaaladda Tigrayga maadaama ayna hadda ka dib marmarsiinyo ka dhigan karin in ciidamadeenu ay duulaan ku yihiin Amxaarada iyo Canfarta,” ayuu afhayeenka TPLF Getachew Reda u sheegay Reuters.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this