Sign in to follow this  
Deeq A.

Musharraxa Madaxweyne Ee Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro Oo La Filayo Inuu Toddobaadkan Uu Dalka Ku Soo Laabto.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo socdaal ugu maqnaa maal-mihii ugu dambeeyey dalka debadiisa ayaa la filayaa inuu dalka ku  soo laabto toddobaadkan,sida ay sheegaan xoggaha aanu ka helnay masuuliyiintan Xisbiga WADDANI.

Musharraxa Cabdiraxaam Cirro ayaa dalka ku soo laabanay xilli xiisadda siyaasadeed ee dalka ay tahay mid kacsan, isla markaana ay Xukuumadda KULMIYE shaacisay in ururrada siyaasadda furran yihiin,taas oo keentay jawaheer siyaasadeed,isla markaana sababtay buuqii ka dhacay toddobaadkii hore xarunta Golaha Wakiillada Somaliland

Musharraxa Cirro ayaa qoraal uu baahiyey toddobaadkii hore ku caddeeyey mawqifkiisa ku aadan xaaladdan hadda, kaas oo u dhignaa sidan :-“Waxaa cad in uu maalinba maalinta ka dambeysa sharciyaddii dalka iyo nidaamkeennii dawladnimo sida uu doono uu ka yeelayo, nabadda iyo dawladnimadii dadka ka dhexaysayna u sadqaynayo damaciisa iyo doonistiisa, taana waxaa daliilkeeda innagaga filan fawdada uu geliyey Golihi Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland & ciidanka xabbadda nool u adeegsaday Xildhibaannadii xasaanadda Dastuuriga ah huwanaa, isaga oo aann nabaradii hore dhayin ayuu Madaxweyne Muuse horteenna ku tumanayaa sharciga dalka, wax uuna rabaa in uu gacantiisa ku baabii’yo Hay’ado Dastuuriya ah oo muddo xileedkoodii dhammaan isna mudho kordhin aan sinnaba ugu suurtogalayn cidla ka baadhbaadho, laakiin waxa uu mooggan yahay in isagana sharciyaddiisa Madaxweynannimo mugdi geli doonto haddii aanu ixtiraamin Dastuurka iyo Shuruucda kale ee dalka. “

Isagoo haddalkiisa siiwata ayaa waxa uu sheegay in aan la aqbalay muddo kordhin,waxaanu ugu baaqay Madaxweyne Biixi in doorashada uu Madaxtooyadda uu wakhtigeedii ku qabto”Doorashadii Madaxtooyada xilligeedii ku qabo November 13, 2022 qiiq isku qarin iyo Urruro xilligoodii ka hor la furayo lagaa yeeli maayo, Axsaabta Mucaaradaka ahina waa u diyaar in Urrurada siyaasadda xilligooda la furo, shacbigana jaho wareerinta Muusow ka daa. Annigu diyaar baan u ahay inaan furo Urrurada siyaasadda haddii aan ku guulaysto xilka Madaxweynanimada ee JSL, bal shacbigu Somaliland ha is waydiiyaan in Urrurada siyaasadda la furo waxay ku sinnayd saxeexa Muuse ee haddii ay ka run tahay furista Urruradu muxuu u saxeexo waayey markii uu horyaallay Xeerku ee intuu soo diiday ugu soo celiyay Golaha Wakiillada?

Isku soo wadda duubboo Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro,ayaa si weyn loo sugayaa inuu dalka ku soo gurya noqdo,kaas oo la sheegay inuu maal-maha soo socda uu ku soo jeedo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this