Sign in to follow this  
Deeq A.

Muslimiin ka cadhooday Dal shaaciyey inaan gabadh ka yar 21 sano la guursan karin

Recommended Posts

Deeq A.   

Muslimiin ka cadhooday Dal shaaciyey inaan gabadh ka yar 21 sano la guursan karin

ओवैसी

Dhowr hoggaamiye, oo uu ku jiro xildhibaanka xisbiga AIMIM Asaduddin Owaisi, ayaa ka soo horjeestay ansixinta uu baarlamaanka dalkaas ansixiyay in da’da sharciga ah ee gabdhaha la guursanayo oo ahayd 18 la kordhiyo lagana dhigo 21.

Mid ka mid ah xildhibaannada dalkaas oo lagu magacaabo Owaisi ayaa bartiisa Twitter-ka qoraal uu soo dhigay ku yiri ‘ragga iyo haweenka 18 jirka ah way sameysan karaan ganacsi, way saxiixi karaan heshiis, way dooran karaan raysal wasaare balse ma guursan karaan’.

Dhanka kale, Golaha Muslimiinta Hindiya (IUML) ayaa ka soo horjeestay sharcigan oo uu shalay ansixiyay baarlamaanka, kaas oo da’da gabdhaha la guursan karo oo ahayd 18 laga dhigo 21.

Hoggaamiyaha IUML Abdul Wahab ayaa yiri, “Hindisaha da’da gabdhaha la guursna karo oo ahayd 18 looga dhigayo 21, oo uu baarlamaanku ansixiyay, ayaa sidoo kale looga gol leeyahay faragelinta sharciga Muslimiinta.”

Ururro badan oo Muslimiin ah oo ka dhisan gobolka Kerala ee dalka Hindiya ayaa sidoo kale arrintaas ka hor yimid.

Sidoo kale kooxo badan oo aan Muslimiin ahay ayaa arrintan ka soo horjeestay. Xisbiga Kongareeska Hindiya ayaan weli ka hadlin arrintan, balse afhayeenkooda Shakti Singh Gohil ayaa ku tilmaamay ‘dabin ay soo maleegtay dowladda Modi’. Si ay isaga weeciso dalabaadka mucaaradka.

शादी

Hoggaamiyaha xisbiga CPM Brinda Karat ayaa isaguna sheegay in hindisaha dowladdu taageerayo horumarka haweenka balse sidoo kalena uu meel uga dhacayo dookha shakhsiga ah ee dadka qaan gaarka ah.

Wuxuu ku taliyay in dowladda Modi ay u deyso da’da laga doonayo inay noqdaan dadka guursanaya ee ragga iyo haweenkaba ah oo ahayd 18 sano.

Modi govt has decided to increase the age of marriage for women to 21. This is typical paternalism that we have come to expect from the govt. 18 year old men & women can sign contracts, start businesses, choose Prime Ministers & elect MPs & MLAs but not marry? 1/n

— Asaduddin Owaisi (@asadowaisi) December 17, 2021

Wuxuu sheegay in dowladda dhexe ay ku qasban tahay inay diiradda saarto waxbarashada gabdhaha ayna hubiso inay cunno nafaqo leh helaan haweenka, ee aysan arrinta u weecin waxyaabo kale.

Maxay dowladdu go’aankan u qaadatay?

विवाह

Wasaaradda haweenka iyo horumarinta carruurta ee Hindiya ayaa guddi u saartay inay soo qiimeeyaan da’da guurka iyo saameynta caafimaad iyo bulsho ee ay ku leedahay dadka.

Dadka qaar ayaa dowladda raysal wasaare Modi ku eedeynaya inay go’aankan u qaadaneyso sababo la xiirira xakameynta bulshada, balse taas beddelkeed ayay dowladdu ku doodeysaa in la doonayo horumarinta haweenka iyo sinnaanta jinsiga.

Guddiga ayaa sidoo kale ku taliyay in la horumariyo waxbarashada iyo nolosha dadka.

Si kastaba, khubarro badan ayaa go’aankan ka soo horjeestay iyagoo sheegay in kaddib markii la soo saaray shuruucda ka dhanka ah guurka carruurta, uu weli sii socdo guurka carruurta, inkastoo uu hoos u dhacay sanadihii dambe.

Sida laga soo xigtay tirakoob ay dowladdu sameysay, halkii uu guurka carruurta Hindiya 27% ka ahaa sanadihii 2015-16, wuxuu hoos ugu dhacaya 23% sanadihii 2019-20.

Sida uu daabacay wargeyska The Indian Express, da’da ugu yar ee guurka ayaa 18 laga dhigay sanadkii 1978 balse haddana gabdhaha da’da yar ee la guursanayo ayaa soo batay sanadkii 1990.

Khubarrada ayaa sidoo kale ku doodaya in sharcigan uu sababayo in dembi uu noqdo guurka. Haatan dalka Hindiya, 23% gabdhaha la guursado waxay ka yar yihiin 18.

Waxay khubarradu sheegeen in 70% guurka gabdhaha da’da yar ay sameeyeen qabaa’illo kooban, isla markaana haddii sharcigan la ansixiyo, aysan joojineyn ee ay si qarsoodi ah u sameyn doonaan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this