Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu Xasan Sheekh ka yiri shirkii Golaha Wadatashiga Qaran iyo Midowga Musharaxiinta?

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16397527680812948.jpg?resize=715%

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay kulan ay xalay habka fogaan araga ku yeesheen Golaha Wadatashiga Qaran iyo Midowga Musharaxiinta, kaas oo looga arrimaha doorashada.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in kulankaasi ahaa tallaabo dhinaca saxda ah loo qaaday, hase ahaatee uusan waxba iska baddalin mowqifka Midowga Musharaxiinta ee ahaa in doorashada laga hor leexiyo caqabadaha ku hor gudban.

“Kulankii xalay waxa uu ahaa tallaabo dhinaca saxda ah loo qaaday laakiin mowqifka Midowga Musharaxiinta waxba is kama baddalin ilaa billowgaas fiican uu miro dhal noqdo” ayuu Xasan Sheekh ku yiri qoraal uu dhigay bartiisa Facebook.

Midowga Musharaxiinta ayaa maalmo ka hor qoraal ay soo saareen ku sheegay in ay qaban doonaan shir wadatashi ah oo sida ay sheegeen looga arrinsanayo doorasho hufan, waxayna magacaabeen labo guddiga oo ka shaqeeya qaban-qaabada iyo amniga shirkaas.

PUNTLAND POST

The post Muxuu Xasan Sheekh ka yiri shirkii Golaha Wadatashiga Qaran iyo Midowga Musharaxiinta? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this