Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyay shirka iskaashiga Turkiga iyo Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1639832302192.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay Shirweynaha Saddexaad ee Iskaashiga Turkiga iyo Afrika ayaa soo bandhigay fursadaha iskaashi iyo maalgashi ee ka jira guud ahaan Qaaradda Afrika, gaar ahaanna Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda uu leeyahay horumarinta iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Turkiga iyo dalalka Afrika, isaga oo tilmaamay in Shirweynahani uu faa’iido istiraatijiyadeed u leeyahay wax wada-qabsiga iyo xiriirka Labada dhinac.

“Soomaaliya waxay ku kalsoon tahay in 5-ta qodob ee istiraatiijiyadeed ee iskaashiga ah ee hoosta lagaga xarriiqay Shirweynahan, ay dhammaanteen inoo horseedi doonaan jewi nabad, caddaalad, xasillooni iyo barwaaqo ah, sidoo kale ay keenayaan fursado aynu u simannahay dhammaanteen.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

FB_IMG_1639832290481.jpg?resize=720%2C54

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Fatmaano oo ka warbixiyey xiriirka Soomaaliya kala dhexeeya Turkiga ayaa tilmaamay in iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga uu yahay mid ku dhisan Wax wada-qabsi, is-ixtiraam, isfaham iyo faa’iido labo dhinacle ah.

“Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhexeeya xiriir soo jireen ah oo dhan walba ah. Waxa aannu ka markhaati kacaynaa waxtarka uu noo leeyahay iskaashiga dhabta ah ee aannu la leenahay Turkiga, kaas oo tusaale ay ku dayan karaan u ah walaalahayaga Afrikaanka ah.”

Madaxweyne Farmaajo oo ka warramay horumarrada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen dhinacyada amniga, maalgashiga, kaabeyaasha dhaqaalaha, dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo adeegyada bulshada, ayaa ugu baaqay Madaxda kasoo qeyb gashay Shirka iyo maalgashadeyaasha caalamiga ah inay ka faa’iidaystaan fursadaha maalgashi ee ka jira dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Reccep Dayyip Erdogan, Xukuumadda iyo guud ahaan shacabka dalkaas garab istaagga iyo taageerada ay mar walba u muujiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isaga oo hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay soo dhaweynayso qodobbada wax-ku oolka ah ee kasoo baxay Shirkan.


PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyay shirka iskaashiga Turkiga iyo Afrika appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this