Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wadatashiga Qaranka iyo xubno ka tirsan Midowga Musharrixiinta oo ka wada-hadlay Arrimaha Doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   
3-8.jpg?resize=1000%2C570&ssl=1

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa shir guddoomiyay shir fogaan arag ah oo ay yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka kaas oo diirradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka .

Wajiga hore ee kulanka waxa warbixin laga dhageystay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal kaas oo faahfaahin ka bixiyay dib u dhacyada ku yimid jidwalka doorashooyinka, hufnaanta doorashada iyo wadashaqeynta ay uga baahan yihiin Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Waxa kulanka sidoo kale ka qeyb qaatay xubno matalayay Midowga Musharraxiinta oo ay ka mid ahaayeen Madaxweyne hore Shariif Shiikh Axmed ,Madaxweyne hore Xasan Shiikh Maxamuud iyo Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Abdirahman Abdishakuur kuwaas oo Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ka dalbaday in la saxo qaladaadka ka jira habraacyada doorashooyinka iyo sida ay lagama maarmaan u tahay hufnaanta doorashooyinka.

Wadahadal iyo falanqeyn dheer kadib xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka waxa ay isku raaceen in si kama dambeys ah loo dardargaliyo qabashada kuraasta doorashooyinka iyo in Golaha Wadatashiga Qaran uu isugu yimaado kulan dhawaan looga arrinsanayo dhammeystirka doorashooyinka.

PUNTLAND POST

The post Golaha Wadatashiga Qaranka iyo xubno ka tirsan Midowga Musharrixiinta oo ka wada-hadlay Arrimaha Doorashada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this