Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne xidhnaa oo lagu fahmay xeeladuu xabsiga kaga soo baxa

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne xidhnaa oo lagu fahmay xeeladuu xabsiga kaga soo baxay

 suma.jpg

Maxkamad ku taalla dalka Koonfur Afrika ayaa amartay in Madaxweynihii hore ee dalkaas Jacob Zuma uu dib ugu laabto xabsiga, kaddib markii ay ka laabatay sii dayn sharafeedkii Caafimaad ee la siiyay horraantii sanadkan.

Zuma ayaa la sii daayay bishii Sebtembar kadib markii uu xabsiga ku jiray ilaa labo bilood oo ka mid ah 15 bilood oo lagu xukumay, kadib markii uu diiday amar ay soo saartay maxkamadda dastuuriga ah ee ahaa in uu maxkamadda horteeda ka marqaati furo guddiga gobolka ee baaraya eedeymaha musuqmaasuqa markii uu madaxweynaha ahaa 2009 ilaa 2018.

Arbacadii, maxkamadda sare ee Gauteng ee Pretoria ayaa xukuntay in sii-daynta sharafeedkii caafimaad ee Zuma la siiyay uu ahaa mid sharci darro ah maadaama ay ka soo horjeeddo talada guddiga cafimaadka.

Maxkamada ayaa xukuntay in Zuma uu dib ugu laabto xabsiga.   Sida go’aankan lagu sheegay, muddada uu Zuma ku qaatay meel ka baxsan xabsiga ‘waa in aan lagu xisaabin’ inay noqoto qayb ka mid ah xukunka ay maxkamadda ku ridday.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this