Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar Xalay Ka Dhacay Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Laascaanood)-Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay fallaagada hubeysan ee SSC ee uu hoggaamiyo Feysal Falaalug ay weerar ku qaaday gudaha magaalada Laascaanood.

Weerarka oo dhacay xilli saq dhexe ah ayaa waxaa xigay iska hor imaad toos ah oo dhexmaray fallaagada iyo sidoo kale ciidammada qaranka Somaliland.

Illo deegaanka ah ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay is weydaarsanayeen labada dhinac oo ka dhaceysa xaafadaha qaar ee magaalada Laascaanood, waxaana ay intaasi ku dareen inay soo waajahday cabsi aad u xooggan.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay xukuumada Somaliland, laamaha amniga iyo maamulka gobolka Sool.

Dagaalka ayaa markii dambe istaagay, waxaana dib u noqday fallaagada  SSC ee weerar ka soo qaaday.

Xaaladda ayaa saaka deggan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this