Deeq A. Posted December 16, 2021 π¬π’π’πππππ‘π π§π’πππ‘ππ ( ππ¬ ) π¦ππ‘πππ’π’π ππ π¦π’π’ π¦π’ππππ πͺππ ππ‘ π¨π¨ π‘π’π€πππ ππ‘ ππ¨π₯π πͺπππππ π¨π¨ π¬πππ¦ππ’ ππ’π’π πͺππ« ππππ₯ππ¦ ( ππππ₯ππ₯π¬ ) Β Wax walba oo olole guud lagu qaadaa wuu hirgalaa , tusaale waxa aynu xoojinay soddonkii sanadood ee la soo dhaafay in aynu dedaal badan galino aqoonta iyo waxbarashada waxaa maanta jirta in miyi iyo magaalo ay suuragal tahay 78% in guri walba laga heli karo qof wax akhriya waxna qori kara. Β Sidaasi oo kale sanadihii ugu dambeeyay waxaa olole iyo is abaabul lagu galay in xooga la saaro qorista buugaagta Β si umaddani u hesho dhaxal waara oo taariikheed , aqooneed , ilbaxnimo , nololeed iyo waayo aragnimo ugu dhigmaan. Β Qoristii iyo soo bandhigistii buugaagta waxa ka abuurmay in uu xoogeystay wax akhriskii oo marka buugaagta la qorey ama la turjumey ee la Β soo bandhigayaa sii badato ba waxii sii badanaya in dadku wax akhriska jeclaadaan oo wacyigii wax akhriskuna aad u kordhay. Β Hadii wax akhrisku sii bato iyo la saaxiibka buugaagtu waxa sii kordhaya in garaadka bulshada iyo hab fekerkoogu kor u kaco , la helo maskax maal faro badan oo maanka tuujiya , la helo dad ku baraarugsan oo og waayihii ay soo mareen , la helo dad soo qoda aqoonta iyo waayo aragnimada ku keydsan geyigani oo xambaarsan saqaafad weyn. Β Waxaa aynu u baahanahay haddaba in aynu olole ku qaadno in magaalo walba Β ay yeelato ugu yaraan sadex goobood oo wax akhris oo guud marka laga reebo goobaha dugsiyada iyo jaamacadaha ee wax akhriska , magaalooyinka waaweyn iyo Caasimada kama maarmayaan in degmo kastaa ay hesho ugu yaraan sadex goobood oo wax lagu akhristo (public libraries) ugu badnaana ilaa inta la awoodo in la gaadhsiiyo. Β Yoolkeena tobanka sanadood ee soo socdaa waa in uu noqdaa in guri walba uu yeesho meel wax lagu akhristo oo ay buugaagi taallo inta ay doonto ha leekaato e , waynu awoodnaa in aynu gaadhsiino , umad walibana aqoonteedu waa inta ay wax akhrido , waxaana curinta iyo qoraalkoogu kordhaa inta ay xog iyo aqoon hayaan dadkoogu. Β Qofwaliba oo wax akhriyi karaa waxaa haboon in uu sanadkii ku taamo in uu buugaag badan akhristo oo uu u sameysto jadwal ( timetable ) bille , todobaadle ilaa maalinle ah , waxaa nolosheena iska badeli doona wax weyn waxaana aynu sameyn doonaa horumar weyn oo fekri ah oo laga faaiideysto. Β Mohamed Abdi Jama Mohamed Dhimbiil Qaran News Share this post Link to post Share on other sites