Sign in to follow this  
Deeq A.

Yoolkeenu 10-ka sanadood ee soo socda waa in uu noqdaa

Recommended Posts

Deeq A.   

π—¬π—’π—’π—Ÿπ—žπ—˜π—˜π—‘π—” π—§π—’π—•π—”π—‘π—žπ—” ( 𝟭𝟬 ) 𝗦𝗔𝗑𝗔𝗗𝗒𝗒𝗗 π—˜π—˜ 𝗦𝗒𝗒 𝗦𝗒𝗖𝗗𝗔𝗔 π—ͺ𝗔𝗔 π—œπ—‘ 𝗨𝗨 𝗑𝗒𝗀𝗗𝗔𝗔 π—œπ—‘ π—šπ—¨π—₯π—œ π—ͺπ—”π—Ÿπ—œπ—•π—” 𝗨𝗨 π—¬π—˜π—˜π—¦π—›π—’ π—šπ—’π—’π—• π—ͺ𝗔𝗫 π—”π—žπ—›π—₯π—œπ—¦ ( π—Ÿπ—œπ—•π—₯𝗔π—₯𝗬 )

Β 
Wax walba oo olole guud lagu qaadaa wuu hirgalaa , tusaale waxa aynu xoojinay soddonkii sanadood ee la soo dhaafay in aynu dedaal badan galino aqoonta iyo waxbarashada waxaa maanta jirta in miyi iyo magaalo ay suuragal tahay 78% in guri walba laga heli karo qof wax akhriya waxna qori kara.
Β 
Sidaasi oo kale sanadihii ugu dambeeyay waxaa olole iyo is abaabul lagu galay in xooga la saaro qorista buugaagta Β si umaddani u hesho dhaxal waara oo taariikheed , aqooneed , ilbaxnimo , nololeed iyo waayo aragnimo ugu dhigmaan.
Β 
Qoristii iyo soo bandhigistii buugaagta waxa ka abuurmay in uu xoogeystay wax akhriskii oo marka buugaagta la qorey ama la turjumey ee la Β soo bandhigayaa sii badato ba waxii sii badanaya in dadku wax akhriska jeclaadaan oo wacyigii wax akhriskuna aad u kordhay.
Β 
Hadii wax akhrisku sii bato iyo la saaxiibka buugaagtu waxa sii kordhaya in garaadka bulshada iyo hab fekerkoogu kor u kaco , la helo maskax maal faro badan oo maanka tuujiya , la helo dad ku baraarugsan oo og waayihii ay soo mareen , la helo dad soo qoda aqoonta iyo waayo aragnimada ku keydsan geyigani oo xambaarsan saqaafad weyn.
Β 
Waxaa aynu u baahanahay haddaba in aynu olole ku qaadno in magaalo walba Β ay yeelato ugu yaraan sadex goobood oo wax akhris oo guud marka laga reebo goobaha dugsiyada iyo jaamacadaha ee wax akhriska , magaalooyinka waaweyn iyo Caasimada kama maarmayaan in degmo kastaa ay hesho ugu yaraan sadex goobood oo wax lagu akhristo (public libraries) ugu badnaana ilaa inta la awoodo in la gaadhsiiyo.
Β 
Yoolkeena tobanka sanadood ee soo socdaa waa in uu noqdaa in guri walba uu yeesho meel wax lagu akhristo oo ay buugaagi taallo inta ay doonto ha leekaato e , waynu awoodnaa in aynu gaadhsiino , umad walibana aqoonteedu waa inta ay wax akhrido , waxaana curinta iyo qoraalkoogu kordhaa inta ay xog iyo aqoon hayaan dadkoogu.
Β 
Qofwaliba oo wax akhriyi karaa waxaa haboon in uu sanadkii ku taamo in uu buugaag badan akhristo oo uu u sameysto jadwal ( timetable ) bille , todobaadle ilaa maalinle ah , waxaa nolosheena iska badeli doona wax weyn waxaana aynu sameyn doonaa horumar weyn oo fekri ah oo laga faaiideysto.
Β 
Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this