Haashim Posted January 5, 2003 Jamaal, sxb naga daaya suugaanta afka qalaad. Sxb. afkennu waa hodan gabay iyo geeraarba aawey raggeedii, maxaa ku dhacay suugaanteenii. Xataa haddaan dadku aqoon dheer u laheyn suugaanteena waa inaan baranaa: gabaygaan uu tiriyeye abwaankii weynaa ee RAAGE UGAAS oo u barooranaya afadiisii uu jeclaa ee libaaxu ka cunay ila akhriya, kadibna dhankiinna ka soo laba shuba oo naga daaya afka qalaad. Sida koorta yucub oo la suray korommo buubaal ah Ama beelo kaynaan ah oo kor u hayaamaya Ama geel ka reeboo nirgaha laga kaxeynaayo Ama ceel karkaarada jebshiyo webi karaar dhaafay Ama habar gablan ah oo sidii gocosho ooyeysa Ama kaal danley qeybsan iyo kur iyo dhaal yaabis XALAY KOLO'AYGII MA LADIN KAAMIL REERUHUYE Kambalkiyo ardaagii miyaa la igu kaliyeeyey Kumbiskii miyaa layga qubay kolayggii ii buuxay WIXII RAG IGU KUUNYAAYEY MIYAA IGU KARAAMOOBAY Maantana kataantii miyaa layga kala tuuray Kob abaara meel dhexe miyaa koore ila meeray KUBKA MIYAAN KA JABAY IYO BIIXI AAN KABAYO LOO HAYNIN Kun iyo Kow kurtood dumar haddii laysku wada keeno KOLNA WAXAANAN HELAHAYN HAWEEN FAADUMOO KALE'E [/b] ........................................ AMA SAASAA LOO GABYAA AMA WAA LA ISKA DAAYAA Quote Share this post Link to post Share on other sites