Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay ahaayeen ciidanka laga dejiyay Muqdisho ee hadal hayntu ka dhalatay?

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16395062958055841.jpg?resize=720%

Cutub ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Booliiska Soomaaliyeed oo tababar ku soo qaatay dalka Jabuuti ayaa saaka laga dejiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Ciidankan waxaa maalmo ka hor dalka jabuuti tababarka ugu soo xiray Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), waana dufcaddii 15-aad ee Ciidanka Daraawiishta Booliiska Soomaaliyeed, sida uu bartiisa Twitterka ku sheegay Taliye Xijaar.

Ciidankan ayaa markii ay saaka soo gaareen Muqdisho, waxaa baraha bulshada lagu faafiyay in laga keenay Ereteriya, taas oo dhalisay hadal hayn badan.

20211214_215634.jpg?resize=720%2C1248&ss

PUNTLAND POST

The post Maxay ahaayeen ciidanka laga dejiyay Muqdisho ee hadal hayntu ka dhalatay? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this