Sign in to follow this  
Deeq A.

Radio Hargeysa Iyo Telefishanka Afka Xukuumadda Ku Hadla Oo Sii Wata Faafinta Dacaayaddaha Lagu Soo Alifay Marfashyadda KULMIYE Ee Ka Dhanka Ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada

Recommended Posts

Deeq A.   

Radio Hargeysa iyo Telefishanka afka Xukuumadda KULMIYE ku hadla oo tan iyo doorashadii shir guddoonka Golaha Wakiillada ahaa qaar si badheedh ah u baahin jiray eeddo lagu soo mal-maluuqay marfashyadda Xisbiga KULMIYE,kuwaas oo lagu durri jiray Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland,isla markaana mararka qaar baahin jiray qoroolo anshaxa iyo asluubta war-baahinta ku ceeb ah,waxaanay weli u muuqdaan inay sii waddaan ficiladaas guracan ee ka dhanka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirasaaq Khaliif Axmed.

Telefishankan afka Xukuumadda KULMIYE ku hadla iyo Radio Hargeysa ayaa shalay baahiyey war ay ku eedeynayaan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada,kuwaas oo murrankii koobnaa ee Xildhibaannada Golaha ka dhex-dhacay ay ku sheegeen inuu isagu ka dambeeyo,wallow la ogyahay in Xildhibaannada Xukuumadda KULMIYE ay diideen ina fadhiga soo gallan Golaha,taas oo ahayd arrin ay Xukuumadda KULMIYE ka soo shaqaysay,haddana Telefishanka iyo Radio Hargeysa ayaa ficilada foosha xun ee ka yimi Xukuumadda ku soo riixay Guddoomiye Khaliif.

War ku sheeg laga baahiyey Radio Hargeysa iyo Telefishanka Qaranka ayaa ciwaan looga dhigay sidan: -“Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Oo Sharci Jabin Ku kacay ka dib Markii U Furay Iyada Oo aan Fadhigu Buuxsamin”

Radio Hargeysa iyo Telefishanka afka Xukuumadda KULMIYE ku hadla ayaa iyagu shalay qayb ka ahaa qorshii fashilmay ee Xukuumadda KULMIYE soo meleegtay inay ka fulliso xarunta Golaha Wakiillada,kaas oo ahaa in rabshada laga abuuro Golaha,waxaanay taas baddelkeeda si ay indhaha ugu jeediyeen Xukuumadda qorshahaasi waddatay ay eedo lagu soo curiyey marfash-yadda KULMIYE u jeediyeen Guddoomiye Khaliif.

Dhanka kalena arrintan ayaa dad weynaha reer Somaliland ay si yaabo kale duwan oo cadho leh uga falceliyeen,waxaan si weyn ugu faaqidayeen baraha Bulshada,iyagoo ku tilmaamay inay khalad iyo gef tahay laga gallay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada,isla markaana waxay dhalliilo ujeediyeen masuuliyiinta Wasaaradda War-faafinta,kuwaas oo ay ku tilmaameen in ay weli ku jiraan loollankii shir Guddoonka Golaha Wakiillada ee laga soo gudbay.” Wasiir Koore Intii uu garanaayay ayay dhaaftay, War-baahintii Qaranku laha sidan kuma aha War-baahin Qaran. Koorow hakaraamo seegin Khaliifuna waa Masuulka saddexaad ee Waddanka JSL. Ama liq ama ha liqin.”ayuu yidhi siyaasi muniir

Geesta kalene Wasiir Saleebaan Cali Koore iyo kooxdiisa ayaa weli u muuqda inay ku jiraan loollankii shir guddoonkii laga soo gudbay,waxaanay sii waddaan baahinta dayaacaddiihii ka dhanka ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirasaaq Khaliif,kuwaas oo lagu soo mal-maluuqo marfashyadda muqayiliinta KULMIYE ee xaafadda Goljano.

Gunnaanadkii qorshahan Radio Hargeysa iyo Telefishanka afka Xukuumadda KULMIYE ku hadla,ayaa ahaa mid ay ku doonnayeen in eeddaha is-maan dhaafkii yaraa ee shalay Golaha ka dhacay oo la oggaa in Xukuumadda soo abaabushay inay eeddaas ka difaacaan Xisbiga KUMIYE iyo Xukuumaddiisa,isla markaana taa beddelkeeda ay ku riixeen oo ay ku eeddeeyaan inuu Guddoomiye Cabdirasaaq Khaaliif ka dambeeyey,balse qorshahooga ayaa fishmay waxaanay bulshada kale kulmeen fal-celin niyad jab ku abuurtay weedhahan “Magac Qaranka iska beddela oo la baxa Radio KULMIYE iyo Telefishanka KULMIYE”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this