Sign in to follow this  
Deeq A.

Gacan ka hadal iyo rasaas ka dhacday xarunta Golaha Wakiilladda Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
VideoCapture_20211213-121143.jpg?resize=

Qaar ka mid ah xildhibaannada mucaaradka iyo muxaafidka Golaha Wakiilladda Somaliland ayaa maanta isku fara saaray xarunta golaha.

Sidoo kale gudaha xarunta Golaha Wakiilladda Somaliland ayaa waxaa ka dhacay rasaas, kadib markii ay isku dhaceen xildhibaano iyo ciidamo booliis ah oo doonayay in ay xiraan mudane ka tirsan baarlamaanka.

Gacan ka hadalka ayaa ka dhashay dib u furista ururada siyaasadda oo shalay ay ku dhawaaqday xukuumadda Somaliland, maantana la horgeeyay Golaha Wakiilladda.

Xildhibaannada muxaafidka ee Kulmiye ayaa taageeray furista ururada, waxayna diideen in ay maanta galaan xarunta baarlamaanka, halka xildhibaannada mucaaradka ay sharci darro ku tilmaameen furista ururada siyaasadda Somaliland.

Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay gacan ka hadal iyo rasaas ka dhacaysa xarunta Golaha Wakiilladda Somaliland ee Hargeysa.

PUNTLAND POST

The post Gacan ka hadal iyo rasaas ka dhacday xarunta Golaha Wakiilladda Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this