Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukun naadir ah oo ka dhacay dalka Ciraaq

Recommended Posts

Deeq A.   
1-13.jpg?resize=768%2C439&ssl=1

Muwaaddin u dhashay waddanka Ciraaq ayaa lagu xukumay 10 sano oo xabsiya kadib markii lagu helay in uu iibiyay wiilkiisa.

Ninkaas oo ku nool magaalada Baqdaaq ayaa 30 kun oo doollar kala baxay wiil uu dhalay oo saddex sano jir ah sida laga soo xigtay garsoorka dalka Ciraaq.

Bayaan ka soo baxay golaha sare ee garsoorka Ciraaq ayaa lagu sheegay in maxkamadda degmada Rasaafa oo ka tirsan caasimadda Baqdaaq ay 10 sano oo xabsiya ku ridday ninkaas.

Xukmanaha ayaa lagu qaaday ciqaabta ku cad qaanuunka la-dagaallanka ka ganacsiga bani’aadanka sida lagu xusay bayaankaas.

Halkan ka akhri warbixinta

PUNTLAND POST

Abdourahman Isse

The post Xukun naadir ah oo ka dhacay dalka Ciraaq appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this