Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Soomaali Ah Oo Haystay Dhalashada Dalka Canada Oo Lagu Dilay Turkiga + Muuqaallo Kaamaraduhu Duubeen Oo Muujinaya Qaabkii Loo Dilay Iyo Cidda Dishay

Recommended Posts

Deeq A.   

Allaha u naxariistee Baashi Xoosh Jabriil oo ahaa muwaadin Soomaali ah ayaa ku geeriyooday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga maalmo kadib markii uu dhaawac culus oo ka soo gaadhay weerar ay ku qaadeen rag budhcad ah.

Seddax nin oo budhcad ah oo u dhashay dalka Turkiga ayaa Baashi Xoosh Jabriil ku weeraray goob dalxiis oo ku taalla degmada Beyoğlu ee bartamaha magaalada Istanbul, 6-dii bishaan December, waxaana lasoo bandhigay muuqaallo muujinaya qaabkii loo fuliyey weerarkaas.

Ragga budhcadda ah ayey kaamiraduhu qabteen iyaga oo xaga dambe kaga yimid marxuumka, kadibna mid ka mid ah ayaa Feedh qoorta kaga dhuftay, dhulka ayuuna ku dhacay Baashi, isagoo halkaas ku miyir daboolmay, sida ay sheegeen goobjoogayaal ku sugnaa halka uu weerarku ka dhacay.

Budhcadda ayaa baadhatay Baashi oo dhulka yaalla, waxayna ka qaateen talefano, boorso iyo agabyadii kale ee uu watay, sida ay werineyso warbaahinta Turkiga oo aad u hadal heysa dhacdadaan.

Booliska Turkiga ayaa la sheegay inuu soo qabtay raggaas budhcadda ah, waxaana deg deg loo hor-geeyey maxkamad, laba ka mid ah oo ka yaraa da’aadda 18-sano ayaa lagu soo oogay dacwad xatooyo, waxaana laga sii daayey xabsiga, halka ninka 3-aad ee feedhay Baashi lagu soo oogay inuu geystay dil badheedh ah.

Allaha u naxariistee Baashi Xoosh Jabriil waxuu ahaa walaalkii ka yaraa wasiirkii hore ee dastuurka Soomaaliya Allaha u naxariistee Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo isna 8-dii March 2019-kii ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta.

Baashi oo 52-sano jir ahaa ayaa dilkiisa ka hor dalxiis u joogay dalka Turkiga, waxuuna ahaa Aabe degan magaalada Todonto ee dalka Canada oo dhalashiisa labaad uu ka heystay.

Baashi Xoosh Jibriil waxa uu kamid ahaa hoggaamiyeyaasha bulshada Soomaalida ee magaalada Toronto ee dalka Canada, wuxuuna Soomaalida ku cusub dalkaas ka caawin jiray arrimaha socdaalka, sharciga iyo dib-u-dejinta.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this