Sign in to follow this  
Deeq A.

Fadhigii saaka ee golaha wakiillada S/land+Xaalad cakirnaana oo u dhaxaysay xildhibaannada muxaafidka  & kuwa mucaaridka

Recommended Posts

Deeq A.   

Fadhigii saaka ee golaha wakiillada S/land+Xaalad cakirnaana oo u dhaxaysay xildhibaannada muxaafidka  & kuwa mucaaridka

 

wakiilada-1.jpg

Fadhigii saaka ee golaha wakiillada Somaliland ayaa waxa hadheeyay xaalad cakirnaan oo u dhaxaysay xildhibaannada muxaafidka ah iyo kuwa mucaaridka ah.

Xildhibaannada muxaafidka ah ayaa diiday inay gudaha u soo galaan hoolka golaha wakiillada.

wakiilada-2-1024x768.jpg

Fadhiga saaka waxa loo balansanaa in wax la iska waydiiyo mooshin ay shalay soo gudbiyeen xildhibaano ka tirsan golaha wakiillada iyo in dood la galiyo xeerka furista ururada oo uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi dib ugu soo celiyay golaha.

 

Saacado ka dib ayuu furmay goluhu waxaana xoghayaha guud ee golaha wakiilladu u akhriyay mooshinkii ay xildhibaanadu soo gudbiyeen iyada sharciyaaqada goluhu ay sharci-darro ku tilmaameen mooshinkaasi

Ugu dambayntii guddoomiyaha golaha wakiillada Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa sheegay in golahu xidhan yahay illaa inta ay soo xaadirayaan xildhibaanada dibada ka joogay fadhiga.

“Sharci maaha in xildhibaanno shir jaraa’id qabtaan ee waxaa saamayn sharci yeelanaysa wixii Goluhu isku raaco ama isku diido, xildhibaannada jooga waan u mahadnaqaya, waxaan Mudaneyaasha maqan ku boorrinaya in ay sharciga u soo noqdaan cid kasta oo dabada ka riixaysana aanay golaha ku waxyeelayn Sabtida waxa la sugaya Miisaaniyaddii haddii Golaha loo qaabeeyo in maanta qolo ka baxdo berrina qolo ka baxdo oo aanu Goluhu wada shaqayn waxay noqonaysa duullaan lagu soo qaaday hay’addihii Qaranka, ciddii ka dambeysana waxaanu leenahay karis xun iyaduna wax ku la arrintaasina cid gaar ah saamayn mayso wixii Golaha dhexdiisa ka jirana Golaha ayaa ka wada hadlaya,”

Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this