Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawlada Sucuudiga oo Dalkeeda ka mamnuucday Jammeecada tabliiqa?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muxuu Sucuudiga ula dagaallamayaa Jammeecada tabliiqa?

Masaajidka nebiga SCW

Dhawaan waxaa baraha bulshada Sucuudiga qabsaday hadal heynta ku saabsan magaca ‘Jamaacada Dacwada iyo Tabliiqa’, doodda ku saabsan jamaacadan sidoo kale dalkaas looga yaqaano ‘Al Axbaab’ ayaa u dhexeeysay dad difaacayay oo culimada Sucuudiga ugu baaqay in arrimahooda ay faraha kala baxaan iyo dadka kasoo horjeeda.

Haddaba maxay tahay jamaacadan iyo sababta uu Sucuudiga uga digaya ugana mamnuucayo dalkaas?

Culimada masaajidda ku yaalla Sucuudiga ayaa khudbaddii jimcihii lasoo dhaafayay ka digay jamaacada loo yaaqaano ‘Tabliiq wa dacwah’ sidoo kale loo yaqaano’#Al Axbaab’ kadib go’aan kasoo baxay wasaaradda diinta iyo awqaafta ee Sucuudiga.

Wasaaradda diinta iyo awqaafta waxay ku amartay culimada masaajidda inay wakhtiga u qoondeeyaan khudbo ku saabsan “si “loo muujiyo marin habaabinta, leexinta iyo khatarta kooxdan, iyo inay tahay mid ka mid ah albaabbada argagixisada,” sida laga soo xigtay qoraallo taxane oo lasoo dhigay barta rasmiga ah ee Twitter-ka wasaaradda.

Go’aanka kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in ka mid noqoshada “kooxaha dhinac u jaanjeera, oo ay ku jiraan “kooxda Tabliiqa wa dacwah” inay mamnuuc ka tahay gudaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

وجّه معالي وزير الشؤون الإسلامية د.#عبداللطيف_آل_الشيخ خطباء الجوامع، والمساجد التي تقام فيها صلاة الجمعة مؤقتاًَ بتخصيص خطبة الجمعة القادمة 6 / 5 / 1443 هـ للتحذير من (جماعة التبليغ والدعوة) والتي يطلق عليها (الأحباب)، كما وجّه معاليه أن تشمل الخطبة المحاور التالية:

— وزارة الشؤون الإسلامية 🇸🇦 (@Saudi_Moia) December 6, 2021

Maxay yihiin ‘Jamaacada Tabliiqa iyo Dacwada’?

Waa koox Islaami ah oo uu aasaasay wadddaad Hindi ahaa oo la oran jiray Muxammad Ilyaas Al-Kandhlawi, xilliggii qarnigii 20-aad, wuxuuna ahaa amiir ilaa uu ka geeriyooday 1944-kii.

Kooxdan ayaa ka soo bilaabatey dalka Hindiya, waxay gaartay dalalka deriska la ah, ka dibna waxay ku fideen dalalka Carabta, waxayna ku leeyihiin meelo kala duwan oo adduunka ah dad taabacsan.

Sida magacaba ka muuqata, kooxda waxay ujeedadeedu tahay fidinta diinta Islaamka iyo faafinta, waxay jamaacada tabliiqda gaartaa tuulooyinka iyo magaalooyinka ku yaalla dunida iyaga uu fidiya diinta Islaamka inta badan dadka waxay u sheegaan ‘Towxiidka”

Rashiid Al Judac oo kamid ah culimada waaweyn ee Tabliiqda Sucuudiga oo wareysi siiyay wargeyska Sharqul Al Awsad sanado ka hor wuxuu sheegay in haddii ay ka fursan weydo ay jamaacada tegi karaan goobaha baararaka si ay dadka u gaarsiiyaan diinta.

Inta badan jamaacadan dadka ay dadaalladooda kusoo hanuuno Alle ka sokow waxay raaciyaan jamaacooyin kale oo dacwada gaarsiiya goobo kale oo caalamka ka tirsan, si mutadawacnimo ah waxay xubanaha ka tirsan jamaacada baxaan saddex maalmood bishii, 40 maalmood sanadkii iyo ugu yaraan 4 bilood in qofka uu baxo.

Jamaacada Tabliiqa waxay isku sheegaan inay yihiin dad is jecel iyagoo ka fogaanaya waxa keenaya khilaaf iyo cadaawad.

Maxay tahay sababta uu Sucuudiga ula dagaallamayo Jamaacada tabliiqa?

Culimada Sacuudi Carabiya waxay jamaacada tabliiqa iyo dacwada ku eedeeyeen inay wadaan ‘Tasawuf’ oo micneedu yahay suufinimo ah inkasta oo magaca ”Tasawuf’ aanan la isku raacsaneyn.

Dadka kasoo horjeedo arrintani waxay ku tilmaamaan in lagu talaxtagay diinta isla markaana laga leexday dariiqii saxdaa ah ee toosnaa.

Sababtoo ah suufiyada asalkeedu waxay ku xiran tahay fekerka iyo in qofka uu go’doomiyo naftiisa si loogu sugnaado ‘waddada Alle”.

Sacuudi Carabiya, Suufinimada waxaa loo arkaa arrin ” khilaafsan sharciga Ilaahay.”

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ee madaxa guud ee hay’adda cilmi baarista iyo arrimaha fatwada diinta Islaamka ahna Muftiga guud ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Cabdulcasiis bin Cabdallah Al-Sheekh wuxuu ku sheegay in jamaacadan ay heysato “aqoon la’aan iyo in uu daciif yahay cilimgoodaa dhanka fiqiga ee diinta Islaamka.

سماحة الشيخ عبدالعزيز بن عبدالله آل الشيخ المفتي العام للمملكة العربية السعودية
رئيس هيئة كبار العلماء الرئيس العام للبحوث العلمية والإفتاء
(حديث المفتي عن جماعة التبليغ) pic.twitter.com/hADUPv9LPr

— الرئاسة العامة للبحوث العلمية والإفتاء (@aliftasa) December 9, 2021

Wuxuu intaa ku daray ‘ in hab-dhaqankooda uusan wax xiriir ah ka dhexeyn climiga laga faa’ideysto iyo camalka wanaagsan.’

Muftiga wuxuu sidoo kale ku eedeeyay tabliiqa ay ku dhegan yihiin oo kaliya “kitaabka “Riyad al-Salixiin” iyo kitaabka ka hadlayo “Noloshii Saxaabada” kuwaas oo ay ku jiraan waxyaabo la isku raacsan yahay iyo waxyaabo la raddiyay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this