Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Madaxweyne Biixi, Siyaasiyiin Iyo Mujaahidiin Madaxweynaha Kula-taliyey Inuu Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Ku Wareejiyo Wasiir Maxamed Kaahin

Recommended Posts

Deeq A.   

“Annigu Haddii Aan Muuse Biixi Ahaan Lahaa Waxaan Ku Wareejin Lahaa Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed….” Mujaahid Darawal

Iyadoo uu muddooyinkii ugu dambeeyey soo if baxayey loollanka loogu jiro jagada Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE,kaddib markii ay soo baxday in Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu jagadaas bannaynayo,taas oo ay si weyn ugu loollamayaan Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmd iyo Wasiir Xasan Gaafaadhi,kuwaas oo uu loollan addag u dhaxeeyo,isla markaana wadda shirar doceed-yo iska soo horjeeda.

Wasiir Maxamed Kaahin ayaa dhawaan kullan uu la yeeshay qoor weynta Beeshiisa ka dalbaday inay taageero u muujiyaan,isla markaana ay ku taageeraan in Guddoomiynenimada Xisbiga KULMIYE uu Madaxweyne Muuse Biixi ku wareejiyo,waxaanu Maxamed Kaahin sheegay in isagu uu yahay shaqsiga ugu muddan Beesha xilligan,isla markaana jagadaas qaban lahaa.

Wasiir Gaafaadhi oo isna u muuqday in uu daba socday haddalka iyo Hanka ina Kaahin ayaa isna is muujiyey maal-mo kaddib kullankaas, waxaanu shir saxafadeed uu ku qabtay Magaalada Hargeysa uu ku sheegay inuu u sharraxan yahay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ,isagoo xusay in aanu hankiisa u looggeyn Maxamed Kaahin oo aanu u tanaasulayn marnaba.

Xiisaddan iyo loollanka u dhaxeeyey Maxamed Kaahin iyo Gaafaadhi ee dumaasha Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ayaa cirka isku sii shareeray,taas oo keentay in xubanaha Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE ka tirsan ay kale jabeen,isla markaana ay la kale saftaan labada oday,taas mar-ba marka ka dambaysay sii xooggeysanaysa ilaa hadda.

Haddaba maal-mihii u dambeeyey waxa soo baxayey in siyaasiyiin waa weyn oo aan ka tirsanayn Xisbiga KULMIYE iyo mujaahidiin ay si yaabo kale duwan uga hadlayeen,kuwaas oo u muquday kuwo ku tallinaya oo taageersan in Guddoomiynimada Xisbiga KULMIYE lagu wareejiyo Wasiir Maxamed Kaahin,kaas oo ay ku sababayeen inuu yahay ninka ugu muddan Xisbiga ee xaqa u leh,isla markaana in baddan safka ku soo jiray.

Siyaasi Xasan jigraale oo kamid ah siyasiyiinta mucaaradka ku ah Xisbiga KULMIYE,ayaa ugu baaqay Madaxweyne biixi inuu gudoomiyaha xisbiga kulmiye si bilaa shuruuda ugu wareejiyo wasiir Kaahin,kaas oo wax laga xumaado ku tilmaamay in la simo kaahin iyo gaafaadhi ,isagoo sheegay inay ceeb tahay iyo ayaan daro in wasiir kaahin la barbar dhigo gaafaadhi”

Geesta kalene Mujaahid Cabdilaahi Dawaral ayaa isna wareysi uu siiyey Telefishanka HCTV sheegay in uu xaq u leeyahay in Xisbiga KULMIYE lagu wareejiyo Maxamed Kaahin ,waxaanu sheegay haddii uu Muuse Biixi ahaan lahaa inuu isagu ku wareejin lahaa Maxamed Kaahin “Iyaga ayey jirtaa cidda ay ku wareejinayaan, lakiin bahalkaa cidda xaqa u lihi waa Maxamed Kaahin isaga ayaa xaq u leh isaga ayaa Guddoomiye ku-xigeenkii ah 1aad ah isaga ayaa muddo dheer-na ku soo jiray oo dhib baddan waddanka u soo gallay .”ayuu yidhi

Waxa uu intaas ku sii daray Mujaahid Darawal “Annigu haddii aan kolay Muuse ahaan lahaa Maxamed Kaahin ayaan ku wareejin lahaa.”ayuu yidhi

Sidoo kalene waxa la sheegay in siyaasiyiinta iyo haldoorka wax-garadka iyo aqoon yahanada Beesha Madaxweyne Biixi ay iyaga laftoodu taageersan yihiiin in Guddoomiyenimada Xisbiga KULMIYE lagu wareejiyo Maxamed Kaahin Axmed,kaas oo ay u arkaan inuu muddan yahay,isla markaana uu xaq u leeyahay,waxaanay xoggo aanu helnay ay sheegeen in kullamo ay yeesheen ay isku raaceen in jagadaas ay haboontay in lagu wareejiyo Maxamed Kaahin Axmed, marka la eego danta Xisbiga iyo ta Beesha iyo ta Madaxweyne Muuse Biixi ee mustaqbalka iyo arrimo kale.

Wallow aan war rasmi ah laga helin haddana xoggo aanu helnay ayaa sheegay in siyaasiyiin iyo madax-dhaqameedka Beesha Madaxweyne Biixi oo la kulmay ay ugu baaqeen Madaxweyne Biixi inuu Guddoomiyaha Xisbiga ku wareejiyo Wasiir Maxamed Kaahin Axmed,haseyeeshee waxaynu dhawrnaa waa go’aanka Madaxweyne Biixi inuu noqdo mid Guddoomiyenimada ku dhisa saaxiibkii Maxamed Kaahin oo ugu darra xattaa Musharrax-nimada iyo inuu noqda mid taareenka KULMIYE ka tuura sidii saaxibadiisii hore.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this