Deeq A. Posted December 11, 2021 Waxaan fadhiyay beer nasasho oo ku taal galbeedka London maadaama saacaddii aan shaqada geli lahaa ay wali ka dhinneyd saacad barkeed ama qaddar dhan nus saac. Bas gaadiidka adeegga dad-weynaha oon xaafaddeyda ka soo raacay ayaan meeshaas uga degay, jawigu waa qaboobaa waxaase jirtay qorax aan qabowga waxba ka tarreyn oo ay dadka qaarkii ku tilmaamaan toosh ama karbuuno, oo wax kul ah aan lahayn iftiinkaas mooyee. Run ahaantii inaan qallinka soo qaato waxaa igu dhaliyay sheekada gabdho Soomaaliyeed oo baskii aan saarnaa meel dhexe ka soo raacay, gabdhaha oo labo ahaa oo fadhiyay meel aad iigu dhaweyd ayaa waxaan si dhib yar oo aan ku talo gal ahayn u maqlayay hadalkooda waxaana si aad ah ii soo jiitay sheekadooda waxaan dareemay inay i damaqday oo ay i taabatay, ma garanayo miyaan murugooday?!…isla markiiba waxaan bilaabay jawaab u raadinta waxyaabihii ay ka sheekeysanayeen! Labada hablood waxay ka hadlayeen qof waayeel ah oo ay u adeegaan, waxayna iila muuqdeen gabdho walaalo ah oo hooyadood ka hadlaya. “Saakay ma siisay quraacdii maamada?” “Haa” “Ma ay kaa cuntay?” “May wey diiday”. “Adiga maantay qadadaii ka waran may kaa yeeshay?” “May bariiska may jecla maamadu”. “Waa runtaa!” Maad u maydhay?… dawadii may qaadatay?… baa ka mid ahaa weydiimaha. Inyar dabadeed baa mid hablaha ka mid ahi bilowday inay ku calaacasho “Walaal khaati baan ka joogaa shaqadan, qaboow baa i dilay ruugaga ama jilbaha iyo dhabarkaa i dikaamaya sii wadi kari maayo!”. Middii kale baa iyadana si niyad ah ugu calaacashay “ Oo aniga miyaad i wareysatayna! Naa anba ma nooli fiisatarabi baa igu socda garbaha ma qaadi karo!…” waxaan ogaaday markiiba inayan ahayn hooyadood qofta laga hadlaayey ee ay tahay shaqsi waayeel ah oo ay u shaqeeyaan ama ay xanaaneeyaan. . Yaab! Waxaa markiiba i saaqay dareen murugo xambaarsan waayo arintani kuma koobna koox yar balse waa mid ka mid ah nolol maalmeedka haween faro badan oon lahayn xirfado shaqo kale oo tan ka sahlan. Hooyooyinka Soomaaliyeed intooda badani keli ayey ku yihiin korinta ilmaha marka la jooga qurbaha! Qurbaha waa meel aanay sahlanayn oo ay aad u adagtahay in caruur lagu koriyo oo waliba hooyo keligeed ah oo shaqaysa ay koriso! Markay soo dhameeyso shaqdii dibada oo ay guriga timaado waxaa ay geleysaa qayb kale oo shaqo guri ah oo mas’uuliyaddeedii leh, oo waqti u go’an oo doonaya in la ilaaliyo leh, laakiin mujtamacu uusan ogeyn ama dareensanayn ugana garaabeyn!. Shaqadu waa wax fiican! laakiin dhab ahaan gabdhaha way ku adagtahay inay korinta ubadka iyo shaqada guriga, ku daraan culays kale oo dibadda ah. Waxaan is weydiiyey yaa sababay in dumarkii Soomaaliyeed sidaan u dhibtoodaan? Tusaale ahaan jaaliyado muslimiin ah baa innagula nool dhulkan aan joogno oo dalal kala duwan ka soo jeeda, sida badanna ma arkaysid wax sidaa u rafaadsan, markaas waxaa ii soo baxay dhawr sababood: !) Waa burburkii wadanka ka dhacay iyo qaxii oo dabo dheeraaday, saamayn weyna ku yeeshay haweenka khaasatan xaga wax barashada oo ay dhexda ka baxeen dumarku maadama ay xoogga saareen ilmaha iyo arimaha qoyska. 2) Waa qurbaha oo ah qaxar aan dhamaanayn ee qofku asagu uun ku dhamaanayo ahna giraan aan meelna looga baxayn una daran rag iyo dumarba Alqurba kurba! Iyadoo dhaqankii diinta ee wax badan u dhowrayay hooyada ay kaalintiisii maqantahay ama aysan xooganayn. 3) Waa wada shaqayn la’aan, is fahan daro, iyo weliba kala aamin bixid dhex taala in badan oo ka mid ah qoysaska Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha khaasatan marwada iyo seygeeda oo midba dhankiisa u caraysanyahay doonayana in isaga loo garaabo waana tan midda ka daran labada kale een kor ku xusay una baahan in xal loo helo si xal loo gaaro. La soco qaybta 2aad. W.Q: Yaasmiin M A Sooyaan, London The post Qofna wuxuusan haysan ma baxsho appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites