Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo Qaramada Midoobay warbixin ka siisay Abaaraha ka jira dalka

Recommended Posts

Deeq A.   
1-9.jpg?resize=750%2C430&ssl=1

Xoghayaha Koowaad ee Ergada Soomaaliya u joogta xarrunta Qaramada Midoobay ee Newyork Maxamed Cabdiraxmaan Cumar ayaa ka qeyb galayay dood looga arinsanayay gargaarka arimaha Bini’aadannimo iyo Musiibooyinka oo ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobe.

Maxamed Cabdiraxmaan ayaa waxaa uu ka warbixiyay xaaladda Abaaraha ee dalka iyo dedaalada ay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ugu jirto taakuleynta dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Xoghayaha Koowaad oo ka waramayay shirka uu ka qeyb galay ayaa yiri  “Waxaan warbixin ka siinnay xaaladda Soomaaliya ee hadda iyo baahida loo qabo in laga wada shaqeeyo sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinkaas bini’aadannimo ee hadda taagan.”

Sidoo kale Maxamed Cabdiraxmaan Cumar ayaa u mahadceliyay guddiga Abaaraha ee Heer Qaran oo dedaal badan ku bixiyay sidii loo kaalmeyn lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo Qaramada Midoobay warbixin ka siisay Abaaraha ka jira dalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this