Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaamiyaha Mucaaradka Dalka Benin Oo Lagu Xukumay 20 Sanno Oo Xabsi Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Benin)-Maxkamad ku taalla waddanka Benin ayaa sabtidii 20 sanno oo xabsi ah ku xukuntay hoggaamiyaha mucaaradka Reckya Madougou oo ah haweeney si weyn uga soo horjeeda madaxweynaha dalkas, kaddib markii lagu lagu helay falal aragagixisanimo, sida ay sheegtay maxkamadda xukuntay.

Madougou ayaa la soo taagay maxkamad, iyadoo sidoo kale lagu eedeeyay waxay ugu yeedheen anshax xumo iyo shir-qool siyaasadeed oo ka dhan ah madaxweyne Patrice Talon.

Xukunka ayaa lagu dhawaaqay abaare 6-dii subaxnimo, ka dib markii ay socotay maxkamad aan wax markhaati ah la horkeenin, sida bayaan ay soo saareen ay ku sheegeen qareenadeeda.

Xukunka lagu riday Madougou, oo ahaa wasiirkii hore ee cadaalada, ayaa imaanaya maalmo kadib markii mid kale oo kamid ah mucaaradka madaxweyne Talon, oo la yidhaahdo Joel Aivo, lagu xukumay 10 sanno oo xadhig ah, kadib markii lagu eedeeyay inuu maleegayay falal ka dhan ah dowladda iyo is daba marin lacageed.

Madougou ayaa la xidhay bishii March waxaana lagu eedeeyay in uu maalgelisay howlgal lagu dilayo dad siyaasiyiin ah si looga hortago inay dhacdo doorashada madaxtinimada.

Musharaxnimadeeda waxaa hore u diiday guddiga doorashada.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this