Sign in to follow this  
Deeq A.

“Shacabka Reer Somaliland Haddii Ayna Maqlaayaan Waxaan Odhan Lahaa Annaga Noo Coddeeya, Laakiin Taasi Wax Suurto Galaya Maaha…” Muuse Biixi

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo inta badan ahaa mid fagaarayaasha siyaasadda kaga hadli jiray, isla markaana si weyn ugu olollayn jiray sidii loo kale saari lahaa Xukuumadda tallada haysa iyo Xisbigeeda,kaas oo inta baddan ahaa mid ku tallin jiray in aanay isku mil-min labadaas,haseeyeeshee afar sanno oo uu hadda hayey tallada dalka,waxa muuqata in isagii uu weli cunnaha kaga duuban yahay Xisbigii KULMIYE, isla markaana ay Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE yihiin kuw isku milan oo ahna ahna Muuse Biixi talladiisa ka go’do.

Madaxweyne Biixi ahna Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ayaa maanta u muuqda mid wixii shalay la fool xumaa markii aanu xilka Madaxweynaha hayn inay maanta ay la qurux baddan yihiin,kaas oo wixii shalay uu ku dhalliilayey Madaxweyne Riyaale isagii wax ka darran ku kacaya,

Haddaba Madaxweyne Muuse Biixi ahna Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ayaa hore looga guntay weedhahan “Duruufaha oo iska adag awgood waxaa mar walba isku milma mar walba ama tan maanta joogta ha ahaato ama tu iman doonta ha ahaatee waxaanu ku waaninaynaa in la kala saaro in xisbiga talada haya iyo xukuumada dadka talada u haysa taasi waa naga xusuusin, waana wax iska dabiici ahoo qofka bini aadamka ah khaladkiisu wuu iska badan yahay markaa mar walba waa naga xasuusin.”ayuu yidhi

Geesta kalene Madaxweyne Biixi ayaa sheegay inay waajib tahay in wax-walba danta Qaranka laga hor mariyaa,isagoo shacabka reer Somaliland ka dalbaday in ay doortaan ciddii ay u arkaan inay muddan tahay inay Qaranka hoggaamiso.waxaanu yidhi sidan:- “Dadka waxaan ku odhan lahaa laba yaanay isku khaldin waxa danta qaranka ee inaga wada dhaxeeya kay is yidhaahdaan kaas ayaa idin hogaamin kara ha doortaan, haday I maqlaayaan waxaan odhan lahaa anaga noo codeeya,laakiin taasi wax suurto galaaya maaha waxaa inagu waajib ah in aynu danta qaranka ka hor marino danta guud ayaan odhan lahaa”ayuu yidhi

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this