Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Qaranku waa Rug-cadaa Waayo arag ah, waxa uu Danta Qaranka u arkay inaanuu saxeexin Xeerka Ururrada.

Recommended Posts

Deeq A.   

Asalaamu Calaykum
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ah Hogaamiyihii Ummada, ahna khabiir rug cadaa ah oo fahamsan wixii ay ku jirto Danta Ummada reer Somaliland, waxa uu iska diiday inuu saxeexo Xeerka Ururrada isaga oo sidaas u arkay inay ku jirto maslaxada Qaranku.
Madaxweynuhu waxa uu awwood buuxda u lahaa oo sharcigu siinayay inuu Xeerka Ururrada saxeexo maadaama ay Golayaashii Qaranku ay ansixiyeen, balse Madaxweynuhu wuxuu ka door biday inuu golaha Wakiilada dib ugu celiyo oo aanuu saxeexin.
Dhinaca kale Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu cid kasta oo la kulantay uu u sheegay in doorashada Madaxtooyada uu wakhtigeeda ku qabanayo maadaama ay wax waliba diyaar yihiin sida dhaqaalihii doorashada, diiwaan gelintii iyo weliba gudiga Doorashooyinka Qaranka iyo Saddexda Xisbi oo sheegay inay dhamaantood diyaar yihiin.
Hadaba waxaan usoo jeedinayaa Muwaadiniinta doonaysa in ururrada loo furo inay sugaan doorashada Madaxtooyada ka dib insha Allah.
Dalkeenu uma baahna fawdo siyaasadeed iyo muran aan Dalku qaadi karin.
Waxaa Waajib ah inaynu Madaxweynaha ku taageerno go’aankiisa uu ku diiday inuu saxeexo Xeerka furista ururrada oo Madaxweynuhu u arkay inaan danta Qaranku ku jirin.
Somaliland ha Guulaysto

 

Kasar Mohamed Abdullahi

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this