Sign in to follow this  
Deeq A.

Is-fahan laga gaaray khilaafkii doorashada Golaha Shacabka ee gobolada Waqooyi (Somaliland)

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1639228918473.jpg?resize=720%2C48

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, kulan kaas oo looga hadlay khilaafkii ka taagnaa doorashada Golaha Shacabka ee gobolada Waqooyi.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble waxaa xal laga gaaray khilaafka doorashada Golaha Shacabka ee goboladda Waqooyi (Somalilamd) ee maalmihii la soo dhaafay u dhexeeyay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed, waxaana la isku afgartay in horay loo sii wado howsha doorashada.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha XFS Muadne Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed. Kulanka ayaa looga hadlay dardar gelinta howlaha doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Gobollada Woqooyi, iyadoo xal laga gaaray madmadowgii jiray, waxaana la isku afgartay in horay loo sii wado howsha doorashada”.

Cabdi Xaashi ayaa maalmo ka hor ka horyimid kuraas ay shaaciyeen guddiga doorashada Somaliland, waxaana markii dambe taageeray xubno ka mid ah guddiga doorashada.

PUNTLAND POST

The post Is-fahan laga gaaray khilaafkii doorashada Golaha Shacabka ee gobolada Waqooyi (Somaliland) appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this