Sign in to follow this  
Deeq A.

7 Milyan Oo Soomaali Ah Oo MASHRUUC Cusub Ku Heli Doona Koronto Bilaash Ah (Bankiga Adduunka Ayaa Hirgelinaya)

Recommended Posts

Deeq A.   

Bankiga Adduunka ayaa ansixiyey lacag dhan 150 milyan oo dollar oo malaayiin Soomaali ah lagaga caawinayo inay helaan koronto qiimo jaban ama iska bixiyaan biilasha korontada.

Mashruuca Soo-kabista Korontada Soomaaliya ayaa kordhin doona helitaanka korontada ee 1.1 milyan oo qoysas Soomaali ah ama 7 milyan oo qof, oo 3.5 milyan oo ka mid ah ay yihiin haween.

Bankiga Adduunka ayaa sheegay in 9 milyan oo ka mid ah 15-ka milyan ee Soomaalida ah ayna haysan adeeg koronto, islamarkaana qiimaha korontada Soomaaliya uu yahay mid ka mid ah kuwa ugu sarreeya dalalka caalamka.

“Helitaanka koronto qiimo jaban waa u muhiim yareynta saboolnimada, sababta oo waxay caawineysaa sare u qaadidda dakhliga qoysaska, waxay horumarineysa jawiga ganacsiga, waxayna abuureysa shaqooyin,” waxaa sidaas tidhi Kristina Svensson oo ah agaasimaha Bankiga Adduunka ee Soomaaliya.

“Mashruucan wuxuu dhammeystirayaa barnaamijyada Bankiga Adduunka iyo saaxiibada kale ee caalamka ay ku hormarinayaan gaadhsiinta adeegyada Soomaaliya,” ayey tidhi.

“Mashruucan ayaa sare u qaadaya aqoonta iyo awoodaha ay kuwa bixiya korontada ku horumarin karaan adeegyadooda ayna ku dhisi karaan xal koronto oo ku dhisan tamarta la cusbooneysiin karo,” waxaa sidaas yidhi Erik Fernstrom oo ah agaasimaha qeybta kaabayaahsa Bankiga Adduunka ee Koonfurta iyo Bariga Afrika.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this