Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Caan ka ah S/land oo Si mug leh u taageeray Digniin Wasiirka Warfaafinta S/land ku Ganay Universal TV

Recommended Posts

Deeq A.   

Sheekh Caan ka ah S/land oo Si mug leh u taageeray Digniin Wasiirka Warfaafinta S/land ku Ganay Universal TV

 

beder.jpg
Edebdarrada TV-ga Universal
Maalmahan waxa baraha bulshada haystay wax lagu sheegay dood wadaag oo uu TV-ga Universal qabtay, waxa si gaar ah meel walba loo wareejinayay gabadh iyo wiil yidhi: Hooyada wiilku ma soo geli karto guriga inankeeda idan la’aanta xaaska wiilkeeda!
In aragtida noocaas ahi ay qof garasho liita ka timaaddo wax aan dhici karin ma aha, in la arko TV waxaas faafiya isaga oo aan qiyamka diineed iyo dhaqanka bulshada dhawrayn, ee keliya suuq ka raadinaya, amaba mashruuc uu dhaqaale ku qaatay fulinaya, taasina wax ugub ah ma aha.
Waxase la yaab leh, sida bulshadii oo dhan yar iyo weyn, caalim iyo caamaba uga falceliyeen, welina xataa anigaygan la I leeyahay maxaad wax uga odhan wayday.
Waxa ay ahayd keliya in aan marka horeba dadka aan xilkaska ahayn ee sidaa u garashada hooseeya dadka la horkeenin, waa ay ahayd in masuuliyiinta TV-gu aanay waxaas soo deynnin oo ay faafreebaan, waxa ay ahayd in bulsho ahaan xume faafiyaha la canaanto oo lala xisaabtamo oo aan ciyaalka edbinta waalid u baahan lagu mashquulin.
Waan bogaadinayaa go’aamada uu soo saaray wasiirka warfaafintu iyo digniinta uu siiyey TV-ga Universal, waxaanan ku waaninayaa masuuliyiinta TV-ga in ay diintooda iyo dadnimadooda u tudhaan oo aanay dariiq xun ku raadsan daawasho badan iyo caannimo.
Keligood ma aha ee kuwa musalsalaadka iyo riwaayadaha akhlaaqda ka arradan baahiyaa ha ogaadeen in ay xaaraan biishanayaan oo jidhkooda ku korinayaan, shaqaalahooda iyo ubadkoodana ku quudinayaan.
Bulshadu ma hal daba la’ baa, horta, maalinba dhan baa la isu wada raacayaa oo maxaa kaa reebay la leeyahay haddana?

Dr-Abdulqani Hussein Beder

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this