Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad ka taagan degaan ka tirsan Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Xiisad dagaal ayaa saaka ka aloosan degaanka lagu magacaabo Kax-xandhaale oo ka tirsan gobolka Galgaduud halkaas oo shalay dagaal culus ku dhexmaray laba beelood.

Khasaare xooggan ayaa ka dhashay dagaalkii shalay dhexmaray labada beelood waxaana la xaqiijiyay 10 ruux oo dhimasho ah iyo in ka badan 20 ruux oo dhaawac ah.

Labada malayshiya-beeleed ayaa gurmadyo kala duwan helaya waxaana laga cabsi qabaa in dagaalku sii socdo sida laga soo xigtay dadka degaankaas.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in Galmudug awood ciidan u adeegsan doonto si loo joojiyo dagaalkaas.

PUNTLAND POST

The post Xiisad ka taagan degaan ka tirsan Galgaduud appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this