Deeq A. Posted December 10, 2021 (10/12/2021) — 29 Sano ka hor markii faragelintii aadaminimo uu Maraykanku hoggaaminayay ka billaabatay Soomaaliya ayuu taariikhyahankii Siciid Sheekh Samatar maqaal ku qoray wargeyska The Guardian. Wuxuu kula taliyay Maraykanka inuu la tashado odayaal dhaqameedka. Afar bilood ka hor xilliga maqaalka Samatar soo baxay, I M Lewis, oo wax ka qori jiray arrimmaha Soomaaliya, ayaa maqaal ku qoray Sunday Times kuna dooday in oday dhaqameedyadu dib u dhisi karaan Soomaaliya. Lewis wuxuu u qareemayay hab hay’ad ahaan ku abtirsada xukunkii dadbanaa oo uu Ingiriisku ku xukumayay Waqooyiga Soomaaliya. Waa habka fududeeyay in dhul Soomaali degto si qarsoodi ah loo siiyay Itoobiya ka hor 1954kii, waa habka u diiday reer Waqooyiga inay xisbiyo gobanimoddoon yeeshaan waayo oday dhaqameedka ayaa awoodda lahaa si Soomaalida xeer loogu dhaqo halka Common Law uu gaar u ahaa qofka reer Yurub. Ma hubo sababta Samatar u fidinayay dood aan sal ku lahayn taariikhda dhisidda dowladnimada Soomaaliya. Markii Waqooyi iyo Koonfur midoobayeen siyaasiyiin ayaa ka mirodhalinta midowga iska kaashaday. Oday dhaqameed ma lahayn kaalin siyaasadeed. Oday dhaqameed taladiisu waxay ku sargo’an tahay danaha beeshiisa. Taladiisu waxay shaqayn kartaa marka dadku ku nool yahay xaalad dowladnimadu maqan tahay ama dadku ay doonayaan inay ku noolaadaan xeer ka sokow cakirnaanta nolosha magaalada. Talada madaxdhaqameedka Puntland ay soo jeediyeen si loo dhammeeyo ismariwaaga dowladda Puntland iyo Ciidanka Amniga Puntland (PSF) waxay ku salaysan tahay adeegsiga xeer inkastoo Puntland ay leedahay dastuur. Waxay wiiqi kartaa awoodda dowladda haddii PSF loo arko hanti qof leeyahay. Halistu kama imanayso oo keliya oday dhaqameedka. Siyaasiga sameeya hay’ado sharciga ka baxsan (extrajudicial) sida PSF ayaa dhib weyn geysan kara. Siyaasiga noocan ahi iyo oday dhaqameedku waxay wadaagaan ku tumashada danta guud waxaase sii saameyn xun talada oday dhaqameedka marka ay jiraan sharciyo lagaga maarmay xeerka beelaha u yaalla. Halista ugu weyn oo la socota xoojinta kaalinta oday dhaqameedka waa la xisaabtan la’aanta siyaasiga oo weli awoodda siyaasadeed oo nuxurka lihi gacantiisa ku jirto. Soomaalida dhexdeeda dambiyo dagaal iyo gaboodfal siyaasadeed waa ereyo aan cirib sharciyeed lahayn. Ummad xeer weli ku tiirsan bay Soomaalidu weli isu aragtaa. Oday dhaqameed iyo dowladnimo waa isu dab iyo dhagax. Waa inaannu kala dhowrno. Tixraac. 1- “How to save starving Somalia” uu qoray Said Samatar, The Guardian, December 3, 1992. 2- “In the Land of the Living Dead” uu qoray I. M. Lewis, Sunday Times, August 30, 1992. __. Liibaan Axmad Libahm@gmail.com The post Oday dhaqameed iyo dowladnimo waa isu dab iyo dhagax appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites