Deeq A. Posted December 10, 2021 Masaajid leh Astaamaha kaniisadda oo lagu muransan yahay Masjidka weyn ee Saint-Louis Saint Louis, ama Ndar oo ah sida ay bulshada gudaha u yaqaannaan, waa magaalo ku taalla waqooyiga Senegal waxayna u dhaxeysaa dalalka Galbeedka iyo Afrika. Caasimaddii hore ee Faransiiska Galbeedka Afrika, dhismooyin duug ah oo xilliyadii gumeysiga ah ayaa dhinaca ku hayakuwa casriga ah.Magaalada ayaa tan iyo sanadihii 2000 waxay ku jirtay diwaanka hay’adda UNESCO. Magaaladan waxay ku taalla waqooyi-galbeed Senegal, waxaana weli ka muuqda raadkii gumeysiga, gaar ahaanna jasiiradda weyn. Sidoo kale qeyb magaaladan ka mid ah ayaa waxaa ku yaalla masjidka weyn ee Saint-Louis. Waqooyiga magaalada, ayuu ku yaallaa masjidkan, wuxuuna jiray tan iyo xilliyadii gumeysiga, wuxuu soo jiitaa dalxiisayaasha oo doonaya inay wax ka ogaadaan: markii hore, gambaleel ayaa la yeerin jiray si Muslimiinta loogu waco salaadda. Masjidka wuxuu caan ku yahay labada minaaradood ee wareegsan kuwaas oo saqafka kore ku dheggan. Minaaradda bidix ee masjidka waxaa ku yaalla gambaleel iyo saacad. Inkastoo gambaleelku uusan haatan shaqeyneyn haddana wuxuu soo jiitaa dalxiisayaasha. Gambaleelka iyo saacadda Halka uu ka yimid gambaleelka Dhabarka dambe ee gambaleelka oo weli la arki karo, ayaa waxaa ku duugan qeyb ka mid ah taariikhda magaaladan. Saint Louis waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu qadiimsan xilliyadii gumeysiga ee ku yaalla Senegal. Magaaladan waxaa ku noolaa dad Yurub ka soo jeeda, shacab iyo saraakiil. Bulshooyinka deriska ee magaalada u soo guuray sababo ganacsi dartood waxa dhammaantood ahaayeen Muslimiin. Bulshada Creole, waxay ka dhasheen is dhexgalka caddaanka iyo bulshada madow, waxaana sidoo kale ku noolaa dadka aaminsan diinta masiixiga.Bulshada Muslimiinta waxay doonayeen inay dhistaan masjid ay ku tukadaan. Sida laga soo xigtay taariikh-yahannada magaalada oo ay BBC-du la xiriirtay, bulshada Creole waxay aadaanka salaadda ee masjidka u arkayeen mid buuq iyo sawaxan abuuraya. Bulshadan ayaa markaas ka soo horjeestay mashruuca dhismaha masjidka inkastoo dadka ugu badan ee magaalada ku noolaa ay Muslimiin ahaayeen. Sanadkii 1837, ilaa 10,651 Muslimiin ah iyo 1,025 qof oo madhabka Kaatooligga heysta ayaa ku noolaa magaalada, sida uu Cabdul Khaadir Aidara ku xusay buuggiisa, Saint-Louis-ta Senegal, Shalay ilaa Maanta. Sida uu sheegay abdul Khaadir Aidara , oo ah agaasimihii hore ee xarunta baaritaanka Saint-Louis, gambaleelka ayaa la yeerin jiray si Muslimiinta loogu waco salaadda. Bulshadan (Creole), dabcan iyaga oo taageero ka helaya maamulka, ayay diideen in masjidka laga dhiso jasiiraddan iyagoo sheegay inay taasi dhib ku noqon doonto noloshooda isla markaana saameyn doonto hurdadooda. Marka Muslimiinta wuxuu u ahaa halgan dheer oo ay ku dhisayaan goob ay ku cibaadeystaan, maaddaana halkaasi ay ku tiillay kaniisad, sida uu BBC-da u sheegay Abdoul Hadir Aïdara. Kaddib wada hadallo badan, bulshada Creole ayaa aqbashay dhismaha masjidka iyagoo ku xiray labo shuruudood: in masjidka laga dhiso meel guryaha ka fog, sidoo kalena beddelkii aadaanka salaadda la yeeriyo gambaleel. Sida uu sheegay Mr. Aïdara, gambaleelka ayaa la yeerin jiray ilaa sanadkii 1855. Kaddib gumeystihii xilligaas ayaa oggolaaday aadaanka salaadda. Abdoul Hadir Aïdara qoraaga buugga: Saint-Louis-ta Sénégal, ee Shalay ilaa Maanta Taariikh lagu muransanyahay Balse waxaa jira dad qaba taariikh tan ka duwan in uu masaajidkani leeyahay, waxaana ka mid ah Suleeymaan Bashiir Diyaagna, wuxuuna buugiisa ku sheegay in isaga uusan la qabin qaabkan wax loo sheegayo, taas oo uu qabo in ay tabiyeen dad dalxiisayaal ah, wuxuu sheegay in gambaleelka meeshaas loogu surey si uu astaan ugu noqdo magaalada Saint-Louis. Waxaa fikradan la qaba Imaam Muusa Kebbe oo imaam ka ah masaajidka weyn. Wuxuu dood ka qabaa in gambaleelka loo isticmaali jirey in dadka salaadda loogu yeero. Wuxuu imaamkani sheegay in dadkii meesha degey ee kor ka yimid ay naqshadeeyeen dhismayaasha inta badan, sidaasi awgeedna ay masaajidka u ekeysiiyeen kaniisad, maddaamaa waxa kaliya ee ay fahmayaan uu aha kaniisad. Wuxuu tusaale usoo qaatay in kaniisadda weyn ee magaalada oo isku xilli la dhisay masaajidka ay dhiseen gumeystihii isla xilligii masaajidkana la dhisay. Wuxuu qabaa in gambaleelka uu ku rakibnaa saacadda, marka saacadda la gaarana uu gambaleelka dhawaaqayay. wuxuu sheegay sababta aadaanka loo maqli waayay xiligaas ay ahayd in aysan jirin sameecadaha hadda la adeegsado, balse markasta la aadaami jirey.Dhawr jeer ayaa masaajidka la dayactiray tan iyo intii la taagay masjidka sanadkii 1947-dii. Hadda waxaa ku socota hawl balaarin ah oo la doonayo in wax looga badelo naqshadda masaajidka, hase yeeshee waxa uu qabaa in muuqaalka guud ee masaajidka in aanan waxbo laga badelin si loo illaaliyo hiddaha. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites