Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga Kulmiye ha haka Taxadiro Hanka Siyaasadeed ee Maxamed Ikacase.

Recommended Posts

Deeq A.   
Xisbiga Kulmiye ha haka Taxadiro Hanka Siyaasadeed ee Maxamed Ikacase.
Marka Hore Waxaan Hamablyo Iyo bogaadin Udirayaaa Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Go’aankii Uu Ka Soo Saraaya DadKa ka Soo Jeeda Somaliland Ee Arimaha Siyaasada U Taga Wadanka Somalia Kuwaaso Ku Kaca Arimo Laf Jab Ku Ah Qaranka Somaliland Oo Halgan Naf Iyo Maalba Leh ku baxay.
Go’aankaso Oo Madaxweynuhu Degreeto Madaxweyne Ku Soo Saaray, isago raacaya Xeerarkii Golayaasha xeer dajinta Qaranku hore u Ansixiyeen ee meel marka Ahaa kuwaas oo mamnuucayay ka qayb-galka muwaadiniinta Somaliland ee Arimaha siyaasadeed ee Somaaliya.
Madaxweynaha JSL waxa uu sido kale Digreetadaas Madaxweyne uu ku cadeeyay in hay’adaha Qaranka ee u xil saaran Amaanku ay shaqadooda ka qabsadaan talaabo sharciga wafaaqsana ka qaadan, cid kasto kaso jeeda Somaliland oo lagu helo in ay ku kacday falkaas ka dhanka madaxbanaanida qaranimada JSL.
Hadaba iyado laga duulayo Go’aamdaas sharci ee kaso baxay Hay’adaha qaranka waxa muhiim ah in loo dhug yeesho siyaasiin badan oo xilil kala duwan kaso qabtay xukuumadihii kala danbeeyay ee Dalka so-maray oo iyagu marka laga qaado manaasibta ay Xukuumada ka hayeen si Hoose ugu dusa Somaaliya si ay kuraas uga helaan dawladaha loo nanabo Somaaliya.
Ashkhaastaas aynu so sheegnay ee ku kaca falalkaas lagu dhaawacayo Qaranka Somaliland markay ku hungoobaan damacyadaas gacan ku rimiska ah ee ay u taagan Somaaliya waxay dib ugu so noqdaan somaliland, iyago hadana mar Kale indha adaygooda dib mansabyo siyaasadeed uga raadiya Xukuumada iyo Asxaabta Siyaasada ee Somaliland.
Hadii aan mid ka mida ah Masuuliyiinta kaso jeeda Somaliland ee ku kacay falalka noocan oo kala ah si bulshada Somaliland iyo masuuliyiinta Qarankuba, uga feejignaadaan dibindaabyadiisa uu Qaranka u maleegayo.
Waa Maxamed Cilmi Aadan oo ku magac dheer “Ilkacse” waxa uu ka mid Ahaa Xisbiga kulmiye waxa uu Agaasime Guud kaso Noqday dawladii kala danbeeyay ee Xisbiga kulmiye, waxa uu si
Si Ula Kac Ah Oo Badheedh Ah Ugu Dhaqaaqay Arin Siyaasi Ah oo dhabar jab ku ah Qaranka Somaliland.
Masulkaas markii Madaxweyne Muuse Ku Sameeyay Xil ka qaadista ayuu ka cadhooday waxaanu Ku dhaqaaqay Arin Ku lid Ah Qaranka Somaliland Isagoo Uga dan lahaa in Madaxweyne Muuse Biixi u arko Aargosi Siyaasadeed Iyo dagaal Siyaasadeed oo isku Muujinayo Lakiin waxa uu si fudud Ku Ilaabay
Qarankiisa iyo Dhibtii Loo Soo Maraya Ee naf Iyo Maalba Lahayd.
Waxa Ka Mid Ah dhaqdhaqaaqayada dhagaraysan ee Siyaasadeed kuwaas uu u maleegay Qaranka maxamed Ilkacase kuwan so socda.
1: Shir Uu Nairob Kula Galay Siyaasiyiin Somaliweyn Ah.
2: Shir Ka Dhacay Nairob Oo Beesha Direed ah
3: Caleema Sarkii Madaxweyne Axmed Madoobe Oo Ah Madaxweynaha Maamul Goboledka Somaaliya ee Jupland, Isago Maxamed Ilkacase Ku Matalaya Somaliland.
4: kulamo Shacabka Somaliaweyn Uu Nairob Kula Galay
Inta Badan Qarsoodi Ayey Ahaayen Kulamadaasi Maxmed Ilkacase la yeeshay siyaasiyiinta iyo Bulshada kaso jeeda Somaaliya.
Hadaba Waxaan Madaxweyne Muuse Biixi, masuuliyiinta Xisbiga kulmiye iyo Bulshada Somaliland u dirayaa baaq talo so jeedin ah oo ku saabsan u dhug yeelashada Siyaasi maxamed Ilkacse.
“Madaxweyne waxaad tahay Madaxweyne Qarankiisa uso halgamay oo lexejeclo badani ka hayso dalkan yar ee Cadawga faraha badani ku hareeraysanyay.
Waxaan Mudane Madaxweyne kuso jeedinya in il gaar ah adiga iyo masuuliyiinta Xisbiga kulmiyaba kula socotaan dhaqdhaaqayada siyaasadeed ee uu Xisbiga Kulmiye ka dhex wado, Masulkaas hore Kula Soo Shaqeeyey Ee Talaabada laf jabka Ah Kula kacay Qarankiisa.
Mudane Madaxweyne waa in laga digtoonaada oo lagu Baraarugsanaada, Siyaasiyinta Ay Soo Wajahday Sumacad Xumada Siyaasadeed ee Qaranka khiyaameeyay oo Aanay kaso muuqan mar labaad manaasibta siyaasadeed ee Dalka sida Maxamed Ilkacase oo kale oo imika u ordaya Gudoomiye ku xigeenka kobaad ee Xisbul xaakimka kulmiye.
Hadii uu suurto galo damaca Maxamed ilkacse waxay sababi karta in Shacabka Somaliland qaybo kale oo Ka Mid ahi U Arkaan in ay wax sahlan iska tahay in qaranka kolba shaadh loo so xidho, Iyadoo Lagu salanaynayo hadba damaca siyaasiga somaliland meesha uu kaso muuqdo inuu si fudud uga doonto.
Madaxweyne anigo aaminsan in aanay ku dhuuman karin siyaasiyiinta qaran dumiska ee kaso jeeda somaliland, hadana waxaan kuso jeedinaya in la dilo damaca siyaasiga ah ee Maxamed Ilkacse iyo kuwa kale ee la midka ahba oo aan aaminsanay in sumcad dil ay ku yihiin koritaanka qaranimada Jamuuriyada Barakaysan ee Somaliland.
Rooble mahamed Cali
265977137_5496255547067445_2241996932416
 265267083_5496255713734095_1305497057021

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this