Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog-hayaha Guud ee Xisbiga Waddani oo War cusub shaaciyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Xog-hayaha Guud ee Xisbiga Waddani oo war cusub shaaciyey

khadar-2.jpg
W/Q Khadar Xuseen Cabdi Xoghayaha Xisbiga WADDANI
Ayaamahan waxaa aad looga hadlaayay xeer No.14 oo Parliament-kii hore ansaxiyay madaxwayne Muse-na dib u soo celiyay isagoo soo celintiisana sababeeyay. Waxaa jira xildhibaano madaxwaynaha ku dhaw oo ku doodaaya in soo celinta madaxwaynuhu sharci daro tahay xeerkana la faafiyo.
Xildhibaanadaasi waxay afka ka dhawrayaan inay yidhaahdaan madaxwaynuhu wuxuu sameeyay sharci jabin oo xeer dhaafay xiligii sharcigu siiyay ayuu soo celiyay. Anagu waxaanu u aragnaa inaanu madaxwaynuhu sharci jabin xiligii sharcigu siiyayna qoraalka soo celinta ku qoray qodobo dastuuri ahna uu cuskaday. Laakiin qolada xildhibaanada Kulmiye ee ku doodaaya madaxwaynuhu sharci jabin ayuu sameeyay waa inay sheegaan waxa ka dhalanaaya sharci jabinta madaxwaynaha intaanay xeerka ka hadal.
Dalka doorasho dastuuri ah ayaa ku soo waajahan Madaxwayne Muusana nin inuu doorasho galo ka baqaaya maaha inamada waxaanu u sheegaynaa inay doorashadaas u diyaar garoobaan oo madaxwaynaha cod u doonaan ururadana marka xiligooda la gaadho waa la furayaa oo waa sharci.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this