Sign in to follow this  
Deeq A.

“Hangoolkeyga waa sida Ushii Nebi Muuse….” Feysal Cali Waraabe

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaardkaa UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in hangoolka uu mar walba sito uu astaan u yahay baadigoobka ictiraafka Somaliland.

Faysal ayaa sheegay in hangoolka sannadkii 1996 uu nin caaqil ah ugu dhiibay magaalada Gaashaamo ee dalka Itoobiya, xilligaas oo uu ka tirsanaa Guddiga Nabadda ee Somaliland.

“Waa ushii Nebi Muuse, ushii uu Nebi Muuse u waday Yahuudda ayaan anna ictiraafkii Somaliland ku raadinayaa” ayuu yidhi Faysal oo u warramay BBC-da.

Wuxuu sheegay in hangoolka uu haatan sitaa aanu ahayn isla kii la siiyay berigaas, ee sanadkii xigay ee 1997-dii uu kaga lumay magaalada Gebiley ee Somaliland. “Reer Gebilley ayaan ku idhi ii soo maga, oo kan aan haatan sito iyagaa ii keenay,” ayuu intaasi raaciyay Faysal.

Dadka ayuu sheegay inay haddiyado ugu keenaan hangoolka, isagana uu sii bixiyo oo uu dadka kale haddiyado u siiyo.

“Gurigeyga sida ciidda ayuu u buuxaa hangoolka. Nin barafasoor ah oo Ruushka deggan ayaa hadda kahor warqad qoray oo yidhi Faysal ha leyga soo qaado hangool,” ayuu yidhi.

Isagoo u warramay BBC-da ayaa dhanka kale wuxuu ka sheekeeyay xilligii yaraantiisii, iyo wuxuu ku madadaalan jiray xilliyada uu firaaqada yahay.

Faysal waxaa astaan u ah halgoolka oo ah ul dhaqameed dheer oo Soomaalida aad u isticmaasho, inkasta oo kan uu Faysal haysto uu tahay mid gaaban.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this