Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wakiiladda Oo Mar Kale La Horgeynayo Xeerka Furista Ururadda Iyo Sharci-yaqaanadda Golaha Oo Tafsiiray

Recommended Posts

Deeq A.   

Iyadoo inta baddan ay xubnaha siyaasadda danneeya iyo guud ahaa-ba Bulshada reer Somaliland ay si gaar ah u dhawrayaan oo ay uga dhur-sugayaan Golaha Wakiillada Somaliland waxa uu ka yeelli doonno hadda xeerka xasaasiga ah ee horyaal,kaas oo ah xeerka furista ururada iyo axsaabta Qaranka Xeer Lr. 14/2011,kaddib markii uu Madaxweyne Biixi salluugay kaabis iyo wax-beddel ay ku sameeyeen Golihii hore ee Wakiillada Somaliland iyo Golaha Guurtidu ,isla markaana uu Golaha cusub ee Wakiillada dib ugu soo celiyey si ay uga gutaan waajibkooda sharci,kaas oo hadda miiska saaran,isla markaana loo gudbiyey sharci-yaqaanada Golaha Wakiillada si ay uga soo bixiyaan tafsiir sharci.

Guddoomiye –ku-xigeenka Golaha Wakiillada Somaliland Cali Xaamud Jibriil ayaa ka hadlay xeerkaas, waxaanu sheegay in Madaxweyne Biixi uu xeerkaas ku soo celiyey oo ku soo diiday muddadii sharcigu uu siinayey,kaas oo uu sheegay in hadda loo dhiibay sharci yaqaanada Golaha Wakiillada si ay tafsiir sharci ugu sameeyaan “Xeerkaas wuxuu ku maqan yahay tafsiir sharci markaa tafsiir sharcigaasi uu soo dhammaado,ayaa golaha la horkeeni doonnaa haddii illaahay yidhaah-do .”

Guddoomiye Cali Xaamud Jibriil ayaa intaas ku sii darray”Madaxweynuhu Xeerkaas wuxuu ku soo diiday wakhtigii sharcigu uu siiyey oo Golaha ayuu ku soo celiyey,markaas tafsiir sharcigu waxa uu ka qabo Xildhibaannada waa lala wadaagayaa.”ayuu yidhi

Wallow aanu ku jirin xeerkani ajandaha kal-fadhiga haddana Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiillada Somaliland Cali Xaamud ayaa muujiyey rajo ah in dhawaan xeerkaas la horkeenayo Golaha gaar ahaana inta lagu gudda jirro kal-fadhigan,waxaanu xusay in xeerkaas Xildhibaannada loo qaybin doonna,isla markaana Golaha la horkeeni doonno wakhtiga ugu haboon

Xeerkan furista ururada oo ah mid xasaasi ah oo wax ka beddel iyo kaabis ay ku sii sameeyeen Golihii hore ee Wakiillada ayaa ah mid Madaxweyne Biixi markii loo gudbiyey uu soo diiday,kaddib markii uu arkay in uu sharciga khilaafsan yahay,kaas oo uu dib ugu soo celiyey Golaha Wakiillada si ay waajibkooda uga gutaan.

Dhanka kalene xeerkan ayaa la sheegay in Madaxweyne Biixi uu ku sababeeyey diid-madiisa afar qoddob,kuwaas oo kale ah sidan .

1. Waxa uu sheegay in xeerkani uu caqabad ku noqonayo doorashada toos ah ee Madaxtooyadda ee qorshaysan 13 bishan November ee sannadka 2022-ka ,taas oo ah mid dastuuri ah,halka muddadii liisanka Xisbiyadda uu jideeyey xeer Barlamaan.

2. Doorshada tooska ah ee ururada ayaa ku beegmaysa doorashada dastuuriga ah ee Golaha Guurtida,taas oo qorshaysan inay dhacdo bisha may ee sannadka 2022-ka .

3. Xeerkan oo ah mid aan waafaqsanayn xeerka guud ee doorashooyinka Somaliland Xeer Lr.91

4. Madaxweyna ayaa sheegay in doorashada ururadu ay tahay heer Qaran ah, halka xeerkani uu dhigayo heer Gobol.

Si kastaba ah-ahaatee xeerka furista ururadda ayaa Madaxweyne Biixi diid-madiisa uu ku sabeebeyey in uu yahay mid sharciga khilaafsan yahay,waxaana la sugayaa hadda in Golaha Wakiilladu ay ku raacaan Madaxweyne Biixi diid-mada xeerkaas iyo inay qoddobad sharciga khilaafsan ay waafajin doonnaa,waxaynu dhawrnaa waa halka ay saldhigo xaajadu iyo waxa uu ku dambeeyo xeerkaasi

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this