Sign in to follow this  
Deeq A.

Cali Guray Oo Ka Hadlay faragelinta Uu Madaxweyne Biixi Ku Sameeyey Suldaanka Guud Ee Beelaha Isaaq Suldaan Xasan

Recommended Posts

Deeq A.   

Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray ) ayaa ka hadlay faragelinta uu Madaxweyne Biixi ku sameeyey dhawaan sandalada faca weyn ee Beesha Subeer Awal ,kaddib markii uu dhawaan soo istaadhay Madaxweyne Biixi Suldaankii waraabe u taagga ahaa ee uu samaystay,kaas oo ah mid la garab eryayo oo laggu garaacayo Suldaanka Guud ee Beesha Subeer Awal Suldaan Xasan

Khilaafka Madaxweyne Biixi iyo Suldaan Xasan u dhaxeeya ayaa waxa uu soo shaac-baxay bishii October ee sannadka 2021-ka ,kaddib markii Lagu soo dhaweeyay Magaalada Hargeysa Ugaaska Guud ee Beesha Ciise Ugaas Mustafe Ibraahim, islmarkaana lagu Maamuusey Qado Sharaf loogu Sameeyay Huteelka Garand Haddi ee isla Magaalada Hargeysa, Waxaa Mikrafoonka lagu Soo dhaweeyay, Maxamed Case, oo ay Ilmaadeer yihiin Suldaanka Guud ee Beesha Gabiley Clan Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye, Kaas oo Sannado imika Mudo Kasoo Wareegtay, Si aan Sax aheyn Loogu Cumaamaday ee Magaalada Hargeysa.

Odey Xasan Cabdilaahi oo kasoo jeeda Beesha Awal Bari, islmarakaana kamid ah Dadka Sida gaarka ah uga Xanaaqay Tallaabadii dhawaan ka dhacdey Huteelka Garand Haddi ee Magaalada Hargeysa ayaa yidhi sidan:-“Haddii uu Xataa Suldaan Xasan Maqan Yahey, Ma aha Ka Kursigiisa Ku Fadhiisanaya, Waxaa Sameeyay Muuse Biixi Laakiin Taariikh Xumo Ayey u Noqonaysaa Isaga iyo Ubadkiisaba” Sidaa Waxa Yidhi

Haddaba Mujaahid Cali Guray ayaa qoraal uu soo dhigay shalay barta Facebuuga uu ku leeyahay arrintaas kaga hadlay waxaanu sheegay in Suldaan Guud ee Beesha Subeer Awal uu arrintaas ku dalacay,isla markaana loo hiiliyey oo noqday Suldaanka Beelaha Isaaq “Aaar Nin Ganay Iyo Nin Galaday Kala Og” Baa La Yidhiye Suldaanka Ha Isku Taataaban Lahaydee. Waabu Ku Sii Dalacay Oo Suldaanka Isaaq Baa La Yidhi. Allaylehe Waa Loo Hiiliyay. Nin Kuu Hiiliyay In Markiisa Aad U Hiiliso Waa Gobonimo Waanu Kugu Leeyahay Taana Suldaanka Iyo Beeshiisuba Way Og Yihiin Waana Lagu Yaqaan Dad Abaal Gala Oo Guda In Ay Yihiin.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this