Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaxoonti Ka Soo Qaxay Dagaalka Itoobiya Oo Soo Gaadhay Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaxoonti tirro baddan oo ka soo bara kacay dagaalka ka socda dalka Itoobiya ee u dhexeeya Dawladda uu hoggaamiyo Abiy Ahmed iyo Jabhada TPLF ayaa soo gaadhay dalka Somaliland gaar ahaana Gobolka Awdal,kuwaas oo aan weli la dejin meel,haseyeeshee suuqayadda iyo gidaarada Magaalada Boorama daad-san.

Qaar kamid ah madax-dhaqameedka Gobolka Awdal oo shir saxaafadeed ku qabtay Magaalada Boorama ayaa ka hadlay arrintaas, waxaanay sheegaan inay teegeero buuxda siinayaan,isla markaana ay taageersan yihiin Dawladda Itoobiya ee dagaalka kula jirta jabhada TPLF “taageero buuxda ayaan siinaynaa Abiy Ahmed alle haku guulleeyo ayaanu leenahay dagaalka ,cid waliba wey ka baqaysay inay malyuumaadka reer Itoobiya inay qaxoonti noqdaan,waxaanu leenahay taageero buuxda ayaanu ku siinaynaa”ayuu yidhi Suldaan Xasan Xaddi Baade oo kamid ah madax-dhaqameedka Somaliland

Waxa uu intaas ku daray “Nabada Itoobiya waa nabadeena beelaayadda Itoobiya ka dhacdaana cidda u horeysa ee ay afka ku qaadanaysaa waa innaga .”

Suldaan Baade ayaa sheegay in qaxoonti ka soo qaxay dagaalkaas ay soo gaadheen Magaalada Boorama “Qaxoontigii ayaa na soo gaadhay durba Magaalo yar oo Boorama la yidhaah ayaan joognaa durba ay ardaa walba hor fadhiyaan

Geesta kakela mid kamid madax-dhaqameedka oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay sidan:-“Aad iyo aad ayaan ugu hambalyeynaynaa in uu ku guullaystay Abiy Ahmed dagaalka waanu ku guullaysanayaa waa nin dhallinyaro ah oo nin door ah wakaas u baxay ee alle haku guulleeyo dagaalka,annagu itoobiyadda weyn ayaanu la danahay,maddaama oo aanu nahay Gobolka ugu xiga Somaliland,aad iyo aad ayaan ugu faraxnay inuu ku guullaysto Abiy Ahmed oo uu masiibadii dib inooga celiyo,isaga iyo Madaxweynaha killalka waan teegarsanay waa isku mawqif “ayuu yidhi

Dhanka kalene Suldaan Dhawal oo isna halkaas ayaa yidhi sidan:-‘Arrinka dagaalka Itoobiya ka socda waan ka xumay marka hore,mid haboon muu ahayn ,lakiin waxa aanu caddaynaynaa in aanu taageersanay Itoobiyada weyn oo aanu rejaynayno in ay arrintaas dagaalka ay ku guullaysato.”

Suldaan Dhawal oo haddalkiisa sii wata ayaa sheegay in qaxoontigii ka soo qaxay dagaalka Itoobiya ay soo gaadheen Boorama “Halkan maanta waxa na haysta qoxoontigii shawa iyo dhulkaa ka soo qaxay sida ay u joogaan iyo dhibaatada haysa waad arkaysaan ,anniga culays baddan ayaa na saaray wuxuu saaran yahay Somaliland dhulka aan ka degno, wuxuu saaran yahay killalka dhulka aan ka degno”

Waxaa uu sheegay Suldaan Dhawal inuu taageersan yahay oo ku faraxsan yahay in dib loo riixo ciidanka jabhada TPLF “Waxaan leeyahay noqodkaa la celiyey nimankaa burburka dalka u horseedayey waa kii ku hoboonaa waan ku boggaadinaynaa Dawladda itoobiya iyo Raysal Wasaare Abiy Ahmed.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this