Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda S/land Oo ka Jawaabety hadal ka soo yeedhay Xisbiga Waddani

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda S/land Oo Jawaab ka jawaabtay hadal ka soo yeedhay Xisbiga Waddani

suufi.jpg
Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda ayaa Jawaab ka bixisay hadal ka soo yeedhay Hoggaanka Xisbiga Waddani oo sheegay in Xukuumadu cunaha hayso Shirkadaha Isgaadhsiinta.
War Saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda ayaa u Dhignaa sidatan:-

 

Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyaddu waxa ay kormeertaa isla markaana ay dhex u tahay shirkadaha bixiya adeegyada Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee dalka iyada oo ku ilaalinaysa xeerarka iyo shuruucda dalka u yaalla.
Bulshada reer Somaliland waxa ay ogsoon yihiin sida qiimaha adeegyada kala duwan ee Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyaddu uu hoos ugu dhaceen, iyada oo tayada adeegyadaasina kor ugu kacday muddada afarta sanno ahayd ee ay xilka haysay xukuumadda Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi, taasi oo ku timid dhiirigalinta iyo jihaynta suuqa isgaadhsiinta ee Madaxwaynuhu ku hogaaminayo dalka.
Maanta waxa ay xubno ka mid ah hoggaanka Xisbiga Waddani ka hadleen arrimo la xidhiidha isgaadhsiinta, iyaga oo aan ka hayn xog dhamaystiran una kuurgalin xaaladda dhabta ah ee jirta. Haddaba, waxa aan u sheegaynaa bulshada in Wasaaradda iyo shirkadaha Isgaadhsiintu si dhow uga wada shaqaynayaan meel fiicanna ay marayaan hawlahaa la soo hadal qaaday iyo kuwa la mid ah oo qaranka u dan ah.
Sidaas daraadeed, waxa aan u sheegaynaa hoggaanka Xisbiga Waddani in aanay siyaasadayn ganacsiga dalka, iskuna dayin in ay iska hor keenaan xukuumadda iyo ganacsatada, joojiyaanna danaha siyaasadeed ee gaarka ee ay ka raadinayaan meel aan laga dayin.
Allaa Mahad Leh

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this