Sign in to follow this  
Deeq A.

Liiska,Sawirrada & magacyada 100 dumar ah ee BBC u Xulatey 2021,Imisaa Soomaaliya ka soo jeeda?

Recommended Posts

Deeq A.   

Liiska,Sawirrada & magacyada 100 dumar ah ee BBC u Xulatey 2021,Imisaa Soomaaliya ka soo jeeda?

  • Lima Aafshid

    Sawirka kore
    AfghanistanGabyaa

    Gabayaa iyo qoraa abaal-marin ku guuleysatey, taas oo gabayadeeda iyo maqaalladeedu ay ka hor yimaaddeen caadooyinka iyo dhaqamada Afgaanistaan.

  • Xaliima Aadan

    Sawirka kore
    KenyaHowl wadeen arrimaha bani’aadannimada ah horayna u ahayd qof dharka xayeysiiya

    Gabadhii ugu horreysay ee iyadoo xijaaban noqotay dadka ugu sarreeya xayeysiinta dharka, Xaliima Aadan waxay kasoo jeeddaa Soomaaliya balse waxay ku dhalatay xero qaxooti oo ku taalla Kenya. 2017-kii, waxay heshiis u saxiixday mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn adduunka ee dharka xayeysiiya, IMG Models, iyadoo qandaraaskeeda ku dartay shuruud ah inaysan siibi doonin xijaabka marka ay wax xayeysiineyso.

  • Oluyemi Adetiba-Orija

    Sawirka kore
    NigeriaAasaase – Headfort Foundation

    Waa qareenka dambiyada iyo aasaasaha shirkadda haweenka keliya ka howl galaan ee qareennada ee Headfort Foundation, oo bixisa adeegyo sharci oo pro-bono ah.

  • Muqadasa Ahmadzai

    Sawirka kore
    AfghanistanQof u dhaqdhaqaaqa arimaha bulshada iyo siyaasada

    Waxay abaabushay shabakad ka kooban in ka badan 400 oo haween firfircoon ah oo ka socda gobolka Nangarhar, ee bariga Afgaanistaan, si ay ugu safraan degmooyinka u dhow oo ay u caawiyaan kuwa ka badbaaday rabshadaha qoyska.

  • Rada Akbar

    Sawirka kore
    AfghanistanFarshaxaniiste

    Naceybka iyo dulmiga lagu dumarka ayaa udub dhexaad u ah shaqada farshaxanimada ee haweeneydan u dhalatay Afqaanistaan. Rada Akbar had iyo jeer waxay u isticmaali jirtay fanka sidii dhexdhexaadiye ahaan si ay u hadasho oo ay haweenka u siiso muuqaal weyn oo bulshada dhexdeeda ah.

  • Abia Akram

    Sawirka kore
    PakistanHoggaamiye dhanka naafada ah

    Waa haweeney u doodda xuquuqda dadka naafada ah tan iyo 1997-kii, waxayna markii iyadoo ardayad ah ay u suuragashay inay maareyso naafanimadeeda billowday Barnaamijka Khaaska ah ee kala baddalashada xirfadda (Step).

  • Leena Alam

    Sawirka kore
    AfghanistanJAtariisho

    Atariishada ku guulaysatay TV-ga, filimada iyo masraxa sidoo kalena u doodda xuquuqul insaanka, Leena Alam, ayaa caan ku ah sida ay uga soo muuqatay barnaamijyadeeda talefishinada dumarka ee Afgaanistaan, oo ay ku jiraan Shereen iyo Dilkii Farkhunda, kuwaas oo ka sheekaynayay sheekada haweenay Afgaanistaan ah oo si been abuur ah loogu eedeeyay inay gubtay Qur’aanka oo meel fagaare ah ay ku dileen dad cadhaysan.

  • Dr Alema

    Sawirka kore
    AfghanistanQof bartay aasaaska cilmiga iyo oleleeye

    Aqoonyahanadda caanka ah ee falsafada iyo cilmiga bulshada, Dr Alema waxay ahayd wasiir ku xigeenka xuquuqul insaanka iyo bulshada rayidka ah ee Wasaaradda Nabadda ee Gobolka. Waxay sidoo kale tahay aasaasaha guddiga ka qayb qaadashada siyaasadda haweenka ee madaxa banaan iyo u doodaha xuquuqda haweenka.

  • Sevda Altunoluk

    Sawirka kore
    TurkiCiyaaryahan heer sare ah ee ciyaarta camoolaha

    Iyadoo tan iyo markii ay dhalatay aragga naafo ka ahayd, Sevda Altunoluk waa ciyaaryahan kubbadda cagta ee goalball (ciyaar ay kooxo saddex oo aragga naafo ka ah ama indho-xiran kubbad ku tuuraan dhawaaqa galmaleel oo ay ku toogtaan shabaqa kooxda ka soo horjeeda).

  • Wahida Amiri

    Sawirka kore
    AfghanistanShaqaale maktabad iyo mudaaharaade

    Iyadoo ah Maktabadle buug-jecel, Wahida Amiri waxay ka qalin-jabisay cilmiga sharciga waxayna sameysaa mudaharaadyo joogto ah. Markii Taalibaan ay xukunka Afgaanistaan la wareegtay oo ay ka sii shaqayn kari wayday maktabadeeda, waxay u soo baxday waddooyinka magaalada Kabul. Waxay ku biirtay haween kale oo tiro badan oo socod wadareed sameynayay si ay beesha caalamka uga codsato inay taageeraan xuquuqda shaqada iyo waxbarashada haweenka Afgaanistaan.

  • Mónica Araya

    Sawika kore
    Costa RicaOo u doodda helitaanka gaadiid aan ku shaqeynin gaaska

    Iyadoo ah khabiir ka shaqeysa dardargelinta sidii loogu guuri lahaa gaadiid xor ka ah gaaska, Mónica Araya waxay horseedday ololeyaal joogto ah oo ka dhacay qaaradaha Ameerika iyo Europe – oo uu ku jiro mashruuca muwaadinka, Costa Rica Limpia, oo waddankeeda ka caawiyay inuu sii xajisto booskiisa uu kaalinta koowaad uga jiro waddamada adduunka ee dib u cusbooneysiiya tamarta.

  • Natasha Asghar

    Sawirka kore
    Boqortooyada ingiriiskaXildhibaan baarlamaanka Welsh

    Waxay sanadkan gashay taariikhda markii ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee midab leh oo loo doorto baarlamaanka Senedd ama Welsh tan iyo markii la aasaasay, 1999-kii.

  • Zuhal Atmar

    Sawirka kore
    AfghanistanGanacsade – Gul-e-Mursal recycling

    Warshaddii ugu horreysay Afghanistan ee dib u warshadaynta warqadaha qashinka ah, Gul-e-Mursal, waxaa asaasay haweenay ganacsato ah oo lagu magacaabo Zuhal Atmar. Iyada oo aqoon u leh dhaqaalaha iyo ganacsiga, waxay Kabul ka hirgelisay warshad ay haweenku hoggaamiyaan 2016. Waxay abuurtay 100 shaqo, 30% ka mid ah waxay aadeen haweenka, laga soo billaabo dabaqa warshadda ilaa suuqgeynta.

  • Marcelina Bautista

    Sawirka kore
    MeksikoHogaamiye urur

    Iyadoo lafteeda horay u ahaan jirtay shaqaale guri, Marcelina Bautista waa agaasimaha xarunta taageerada iyo tababarka Mexico ee shaqaalaha guryaha (CACEH), oo ay aasaastay 21 sano ka hor. Waxay u ololaysaa sidii ay u sugi lahayd xuquuqaha, sida mushaharka xaqa ah iyo fasaxa xanuunka, ee ay ku naalloodaan shaqaalaha kale, iyo in ay horumariyaan xaaladdooda bulsho.

  • Crystal Bayat

    Sawirka kore
    AfghanistanXuquuq raadiye

    Iyadoo u dhaqdhaqaaqda arrimaha bulshada islamarkaana u doodda xuquuqda aadanaha, Crystal Bayat ayaa si weyn uga dhex muuqatay mudaaharaadyadii looga soo horjeeday la wareegida Taliban ee 2021, iyada oo gacan ka gaysatay abaabulka mid Kabul ka dhacay 19kii Ogosto – maalinta xorriyadda Afgaanistaan.

  • Razia Barakzai

    Sawirka kore
    AfghanistanMudaaharaade

    Razia Barakzai oo muddo sanado ah dowladda uga shaqaynaysay madaxtooyada, iyadoo xilal kala duwan soo qabatay, waxay isku aragtay shaqo la’aan markii ay Talibanka la wareegeen awoodda Afgaanistaan.

  • Nilofar Bayat

    Sawirka kore
    AfghanistanCiyaaryahanada kubbadda kolayga ee ku ciyaarta kursiga curyaanka

    Kabtanka kooxda qaranka ee kursiga curyaamiinta ee kubbadda koleyga ahna u doodaha haweenka naafada ah, Nilofar Bayat ayaa ka soo carartay Afgaanistaan si ay uga baxsato Taliban. Iyada iyo ninkeeda, Ramish – oo isagana sidoo kale ciyaaryahan kursiga curyaanka ah – labaduba waxay u shaqeynayeen Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah.

  • Jos Boys

    Sawirka kore
    IngiriiskaNaqshadeeye dhisme

    Xil-wadaagga agaasimaha mashruuca Naqshadeynta dhismaha ee dadka aan caadiga ahayn, oo dhiirrigeliya hal-abuurka ay sameeyaan farshaxamiisteyaasha naafada ah ee la xiriira sida ay ku heli lahaayeen looguna dari lahaa shaqooyinka naqshadeynta ee nagu hareereysan.

  • Catherine Corless

    Sawirka kore
    IrelandTaariikhyahan waddanka ama deegaanka

    Taariikhyahanadda rug caddaaga ah waxay baartay dhimashada 796 carruur ah oo ku nool guriga hooyada iyo dhallaanka ee Bon Secours ee Galway, iyadoo sameeyay cilmi-baadhis aad u dheer oo sannado badan ka caawisay in daaha laga qaado xabaal-wadareed ku yaalla goobtii hore ee hay’adda Ireland ee hooyooyinka aan guursan, halkaas oo boqollaal carruur ah lagu waayey. iyada oo aan wax caddayn ah loo hayn aaskooda, intii u dhaxaysay 1920-kii ilaa 1950-kii.

  • Faiza Darkhani

    Sawirka kore
    AfghanistanOleleeye deegaan wanaagga

    Iyadoo ah m ka mid ah dadka tirada yar ee ka shaqeeya arrimaha isbeddelka cimilada ee Afgaanistaan, Faiza Darkhani waa kaaliye barfasoor iyo agaasimihii hore ee Wakaaladda Ilaalinta Deegaanka Qaranka ee gobolka Badakhshan. Waxay kaloo u dooddaa xuquuqda haweenka.

  • Azima Dhrodia

    Sawirka kore
    CanadaHoggaamiye siyaasadda badbaadada ah – Bumble

    Khabiir ku takhasusay jinsiga, tignoolajiyada iyo xuquuqul insaanka, Azmina Dhrodia waxay hadda ka shaqeysaa hogaanka siyaasadda badbaadada ee app-ka shukaansiga ah ee Bumble. Waxay abaabushay warqad furan bishii Luulyo 2021, oo ay saxiixeen in ka badan 200 oo haween magac leh, taasoo ku baaqaysa tallaabo la taaban karo oo wax lagaga qabanayo xad-gudubyada baraha bulshada.

  • Pashtana Durrani

    Sawirka kore
    AfghanistanMacalimad – Learn Afghanistan

    Aasaasaha iyo agaasimaha fulinta ee baro Afgaanistaan, Pashtana Durrani waa macalimad u heellan hal-abuurnimada waxbarashada iyadoo diiradda la saarayo xuquuqda gabdhaha. Learn waxa ay Kandahar ka hirgalisay dugsiyo waxayna bixisay tababar macalinimo iyo hagitaan arday.

  • Najla Elmangoush

    Sawirka kore
    IngiriiskaWasiirka arimaha dibada ee Liibiya

    Haweenaydii ugu horeysay ee wasiirka arrimaha dibadda ee Liibiya oo la magacaabay sanadkan, sidoo kale waa diblomaasi iyo qareen. Intii lagu jiray Kacdoonkii Liibiya ee 2011, Najla Elmangoush waxay ka mid ahayd Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Qaranka, waxayna ka shaqeysay dhisidda xiriirka ururada bulshada rayidka ah.

  • Shila Ensandost

    Sawirka kore
    AfghanistanMacalimad

    Kor u qaadista wacyiga xuquuqda haweenka iyo gabdhaha ee waxbarashada waa mudnaanta macalinka Afgaanistaan, Shila Ensandost.

  • Saeeda Etebari

    Sawirka kore
    AfghanistanNaqshadeeye dahab

    Ganacsade iyo naqshadeeye iyo sameeye dahab ah oo caan ka ah caalamka.

  • Sahar Fetrat

    Sawirka kore
    AfghanistanQof u dooda dumarka

    Awooddi ka dambeeyay mudaaharaadyo badan oo ujeedadoodu ahayd inay wax ka qabtaan fikradaha qaldan ee jinsiga, Sahar Fetrat oo u doodda arrimaha dumarka waxay ahayd qaxooti da’yar oo ku sugan Iran iyo Pakistan xilligii taliskii ugu horreeyay ee Taliban. Waxa ay ku soo laabatay Kabul 2006-dii oo ay muujisay dhaq-dhaqaaqa difaacista dheddigga iyada oo dhallinyaro ah.

  • Melinda French Gates

    Sawirka kore
    MaraykankaDeeq-bixiye, haweeeney ganacsato ah

    Deeq-bixiye, haweeney ganacsato ah iyo u doode caalami ah oo haweenka iyo gabdhaha ah. Melinda French Gates ayaa dejisa jihada iyo mudnaanta mid ka mid ah hay’adaha samafalka ee ugu weyn adduunka doorkeeda la-guddoomiyaha Bill & Melinda Gates Foundation.

  • Fatima Gailani

    Sawirka kore
    AfghanistanNabadoon

    Waxay ka mid ahayd afar haween nabad doonno ah oo la fariistay Taliban 2020, iyadoo la isku dayayay in la helo “xal siyaasadeed oo caddaalad ah”. iFatima Gailani waa hoggaamiye siyaasadeed iyo ololeeye caan ah, oo ku hawlanayd arrimaha bani’aadamnimada 43-kii sano ee la soo dhaafay.

  • Carolina Garcia

    Sawirka kore
    ArgentinaAgaasime – Netflix

    Agaasimaha taxanaha asalka ah ee shirkadda filimada weyn ee Netflix, Carolina García waxay ku dhalatay Argentina waxayna ku kortay California. Haweeneydan u tababaran Qoob-ka-cayaarka iyo heesaha ayaa heer sare ka gaartay waaxda madadaalada kaddib markii ay ka bilowday tababar ay wax uga baratay shirkadda 20th Century Fox.

  • Saghi Ghahraman

    Sawirka kore
    IranGabyaa

    Waa qoraa Iranian-Canadian ah, iyo aasaasaha iyo madaxweynaha Ururka Queer Organization ee Iran (IRQO).

  • Ghawgha

    Sawirka kore
    AfghanistanFannaanad

    Iyadoo ah fannaanad hibo leh, abwaanad iyo laxamiiste, Ghawgha waxa ay ka shaqeyneysay mihnadda muusiga in ka badan shan sano. Heesaheeda – inta badan waxay ku saabsan yihiin gabdhaha iyo haweenka Afgaanistaan – waxay leeyihiin taageere daacad ah, erayadeeduna waxay ka soo horjeedaan xaaladda hadda dalka ka jirta.

  • Angela Ghayour

    Sawirka kore
    AfghanistanMacalimad iyo aasaase – Herat Online School

    Ku dhawaad 1,000 arday iyo in ka badan 400 oo macalimiin tabarucayaal ah ayaa hadda qayb ka ah Dugsiga Herat Online, oo ay aasaastay macallimad Angela Ghayour. Ghayour waxa ay go’aansatay in ay ficil sameyso markii Taliban ay ku amreen dumarka Afgaanistaan ​​iyo gabdhaha da’da yar inay guriga joogaan, dugsigeeda internetka ayaana hadda bixiya in ka badan 170 fasal oo kala duwan iyada oo loo marayo barnaamijyada internetka ee Telegram iyo Skype, laga billaabo xisaab iyo muusig ilaa cunto karinta iyo rinjiyeynta.

  • Jamila Gordon

    Sawirka kore
    SoomaaliyaMadaxa fulinta – Lumachain

    Iaydoo ah qof hormuud ka ahdunida qalabka macmalka ah ee casriga ah (AI), Jamila Gordon waa aasaasaha Lumachain, oo ah madal horseed ah oo u adeegsata AI si ay isugu xirto silsiladaha kala jaban ee kala gudbinta raashinka adduunka.

  • Najlla Habibyar

    Sawirka kore
    AfghanistanGanacsade

    Si ay uga caawiso haweenka Afgaanistaan ​​nidaaminta ganacsiga dharka gacan ku sameyska ah iyo in ay alaabtooda dibadda u iib geeyaan iyaga oo aan marin dillaaliinta qaaliga ah, Najlla Habibyar waxay aasaastay Blue Treasure Inc iyo Ark Group. Waxay sidoo kale u hogaamisay mashaariic USAID iyo Bangiga Adduunka, iyadoo diiradda saaraysa xoojinta haweenka iyo isbeddelka cimilada ee la xidhiidha ganacsiga.

  • Laila Haidari

    Sawirka kore
    PakistanAasaase – Mother Camp

    Iyadoo adeegsaneysa xarunta dhaqan celinta maandooriyaha ee Kabul, Mother Camp, Laila Haidari waxay caawisay ku dhawaad 6,400 oo reer Afgaanistaan ah tan iyo 2010, iyadoo ay ceeb tahay in dadka daroogada isticmaala ay bannaanka usoo baxaan. Waxay dhistay xerada iyada oo adeegsanaysa lacagta ay aruursatay waxayna ku maalgelisay iyada oo furtay makhaayad, oo ay maamulaan dadka balwadda kasoo kabanaya, taas la xiray kaddib markii la qabsaday Kabul.

  • Zarlasht Halaimzai

    Sawirka kore
    AfghanistanMadaxa fulinta – Refugee Trauma Initiative

    Qaxooti hore oo iyada lafteeda ka soo qaxday Afgaanistaan, Zarlasht Halaimzai waa aasaasaha iyo madaxa fulinta hindisaha dhaawacyada qaxootiga (RTI), oo ah hay’ad bixisa taageerada nafsiga ah ee qaxootiga oo ka caawisa inay wax ka qabato saameynta niyadeed ee rabshadaha iyo barakaca.

  • Shamsia Hassani

    Sawirka kore
    IranFarshaxaniistaha waddooyinka

    Iyadoo keentay midabka magaalada ay burburiyeen iskahorimaadyada, Shamsia Hassani waa haweeneydii ugu horreysay ee Afgaanistaan ah ee wax ku qorta qoraallada iyo farshaxanka waddooyinka. Waxay u adeegsataa dhismayaal la dayacay ama burburay ee Kabul iyadoo sawirkeeda dumarka ku tusaysa kalsooni, awood iyo hammi.

  • Nasrin Husseini

    Sawirka kore
    AfghanistanDhakhtarka xoolaha

    Koorsadii dawooyinka xoolaha ee ay ku qaadatay Jaamacadda Kabul, Nasrin Husseini waxay ku noqotay mid ka mid ah labada dumarka ah ee kaliya ee ku jiray fasal ay fadhiyeen 75 arday. Iyadoo qaxooti ah ayay ku kortay Iiraan balse waxay Afghanistan ugu noqotay waxbarasho markii dambena waxay u guurtay Canada oo ay ka heshay deeq waxbarasho oo ku saabsan caafimaadka xoolaha oo ay ka baraneyso Jaamacadda Guelph.

  • Momena Ibrahimi

    Sawirka kore
    AfghanistanAskariyad

    Saddex sano ka dib markii ay ku biirtay booliiska, Momena Ibrahimi, oo loo yaqaan Momena Karbalayee, waxaa xadgudub galmo ah kula kacay nin ka sarreeyay. Waxay go’aansatey inay ka hadasho wakhtigaas waxa ay la kulantay, iyo sidoo kale eedeymaha kale ee xadgudubka ee lagu hayo ciidamada booliiska Afgaanistaan.

  • Mugdha Kalra

    Sawirka kore
    HindiyaLa – aasaase – Not That Different

    Haweeneyda u doodda xuquuqda dadka qaba autism-ka ahna hooyada cunug hooyada 12-sano jir ah oo qaba autism, Mugdha Kalra waxay qayb ka aasaastay Barnaamijka Not Thar Different, oo ah dhaqdhaqaaq uu ilmuhu hogaamiyo oo diiradda saaraya ka mid noqoshada iyo fahamka “kala-duwanaanta neerfayaasha”. Waxay sameysay sheeko majaajillo ah oo nooceeda uusan jirin oo loogu talagalay inay ka caawiso dhammaan carruurta inay si fiican u fahmaan autismka iyo ka dhigista xulafada saaxiibadooda kala duwan ee neerfayaasha.

  • Freshta Karima

    Sawirka kore
    AfghanistanAasaase – Charmaghz mobile library

    Basaska loo baddalayo maktabadaha guurguura, NGO-ga fadhigiisu yahay Kabul ee Charmaghz wuxuu soo wareegay xaafadaha magaalada si uu buugaag iyo waxqabadyo farshaxan ugu geeyo boqolaal carruur ah.

  • Amena Karimyan

    Sawirka kore
    AfghanistanCirbixiyeen

    Iyadoo ah Injineer rayid ah iyo macallimad wax ka dhigta Machadka Farsamada ee Herat, Amena Karimyan waxay ahayd mid ka mid ah haweenkii ugu horreeyay ee Afgaanistaan ah ee u istaagay si ay diiradda u saaraan horumarinta xiddigiska ee waddanka.

  • Aliya Kazimy

    Sawirka kore
    AfghanistanWax bare

    Aliya Kazimy waxay ku lug lahayd waxbarashada iyo xuquuqul insaanka ka hor inta aysan Taliban qabsan Kabul. Waxa ay Laanqayrta Cas si mutadawacnimo ah ula shaqaynaysay muddo saddex sano ah, waxa ay bilawday howsha macmacaanka iyo rootiga ee haweenka waxaanay ka qalin jabisay shahaadada mastarka ee maamulka ganacsiga sanadkii 2020. Waxa ay wax ka dhigatay jaamacada oo ay rabtay in ay noqoto macalin.

  • Baroness Helena Kennedy QC

    Sawirka kore
    IngiriiskaAgaasime – International Bar Association’s Human Rights Institute

    Iyadoo ah Garyaqaan Scottish ah oo caan ku ah difaaca xuquuqda haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay, Baroness Helena Kennedy QC waxay ku dhaqmaysay sharciga dembiyada 40 sano. Waxay madax ka tahay Machadka Xuquuqda Aadanaha ee Ururka Qareennada Caalamiga ah, kaas oo dhowaan caawinayey haweenka khatarta ku jira ee Afgaanistaan.

  • Hoda Khamosh

    Sawirka kore
    IranOleleeye caadada dumarka

    “Caadadu ma aha wax laga xishoodo” waxa uu ahaa barnaamijkii wacyi gelinta ee ay Hoda Khamosh oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqda haweenka ka wadday dugsiyada Afgaanistaan si kor loogu qaado wada sheekaysiga furan ee ku saabsan caadada.

  • Mia Krisna Pratiwi

    Sawirka kore
    IndonesiaU ololeeye deegaan wanaagga

    Haweeneydan u dhaqdhaqaaqda deegaanka ayaa ka shaqeysa sidii ay u xallin lahayd dhibaatada qashinka caagga ah ee jasiiradda Bali, iyada oo loo marayo Griya Luhu oo aan faa’iido doon ahayn. Iyagoo kaashanaya bulshada deegaanka, ururkeedu waxa uu sameeyay “bangi qashinka dhijitaalka ah”, oo nidaam ku salaysan in si wanagsan loo ururiyo loogana shaqeeyo qashinka, iyo in loo ururiyo xog si ay u taageerto isbeddel dheeraad ah oo lagu maareeyo qashinka.

  • Heidi J Larson

    Sawirka kore
    United StatesAgaasime – Mashruuca Golaha Tallaalka

    Waa aqoonyahan ku xeel dheer cilmiga bani’aadanka ahna agaasimaha Mashruuca Golaha Tallaalka ee Dugsiga Nadaafadda iyo Dawooyinka Cudurrada Waaweyn ee London. Professor Heidi J Larson waxay hoggaamisaa cilmi-baaris diiradda saareysa arrimaha bulshada iyo siyaasadda ee saameeya faragelinta caafimaadka. Hadda ujeeddadeeda wax baridda waxay saldhig uga dhigtay maareynta khatarta iyo xanta iyo sida loo dhiso kalsoonida dadweynaha ee tallaallada.

  • Iman Le Caire

    Sawirka kore
    MasarAasaase – Trans Asylias

    Qoob-ka-cayaaraha Casriga ah ee Cairo Opera House iyo tababaraha qoob ka ciyaarka, Iman Le Caire ayaa ku qasbanaatay inay Masar ka cararo sababtoo ah booliisku dacwad ugu soo oogayay inay tahay LGBTQ+. Waxay u soo guurtay Mareykanka 2008-dii, waxaa la siiyay magangalyo waxayna hadda ku nooshahay New York iyada oo ah fanaanad, qoob ka ciyaarto, jilaa iyo qof u dhaqdhaqaaqa LGBTQ+.

  • Sevidzem Ernestine Leikeki

    Sawirka kore
    CameroonOleleeye dhanka cimilada ah

    Iyadoo dhaqashada shinnida u adeegsata istiraatiijiyad ay ku xakameyso dabka keymaha, hay’adda ay aasaastay Sevidzem Ernestine Leikeki waxay tababartay in ka badan 2,000 oo dadka shinnida dhaqda ah kuwaasoo la baray soo saarista malabka, dhowridda tayada iyo qashin saaridda shinnida waxayna abuurtay in ka badan 86,00 oo ah geedaha “ay shinnidu jeceshahay” si ay ula dagaallanto nabaad guurka keymaha.

  • Elisa Loncon Antileo

    Sawirka kore
    ChileMadaxweyne – Constitutional Convention

    Iyadoo loo doortay 2021 mid ka mid ah 17ka wakiil ee dadka muwaadiniinta asalka ah si ay u qoraan dastuurka cusub ee Chile, Elisa Loncón Antileo waa luuqad yaqaan, macallimad iyo aqoonyahanad. Waxay hogaamisaa Axdiga Dastuuriga ah, waana markii ugu horeysay ee dadka asaliga ah ee Chile ay ka qayb qaataan xafiis dadweyne iyagoo wakiilo ka ah dalalkooda.

  • Chloe Lopes Gomes

    Sawirka kore
    FaransiisSameysa Qoob ka ciyaarka Ballet

    Chloé Lopes Gomes waxay ku biirtay tartankii Staatsballett Berlin ee sanadkii 2018, iyadoo noqotay qofkii ugu horreeyay ee madow ah oo ka qayb galaya ballerina. Laakiin haweeneydan qoob ka ciyaarka sameysa, horayna ardayad uga ahayd dugsiga Bolshoi ee Moscow, ayaa la kulantay midab-takoor, waxayna dhalleeceysay dhaqamada takoorka ah ee ciyaaraha ballet, oo ay ku tilmaantay “mid xiran oo la taageero”.

  • Mahera

    Sawirka kore
    AfghanistanDhakhtar caafimaad

    Dr Mahera ayaa wali ku mashquulsan in ay aragto bukaanada ku jira isbitaalka haweenka ee ay ka shaqeyso.

  • Maral

    Sawirka kore
    AfghanistanOleleeye

    Qoyska Maral ma aysan rabin inay ku lug yeelato dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka ama ay ka mid noqoto kooxaha bulshada rayidka ah. Waxay dareemeen, in dumar ahaan, aysan ahayn inay shaqeyso. Laakiin si kastaba way samaysay.

  • Masouma

    Sawirka kore
    AfghanistanXeer ilaaliye guud

    Dacwad-ooge dumar ah oo ku sugan Afgaanistaan, Masouma waxay ka shaqaynaysay garsoorka, aruurinta caddaynta iyo dhisidda kiisaska sharciga ah. Gabadhan ka qalin jabisay sharciga ayaa ka mid ahayd haween badan oo wax bartay 20-kii sano ee u dambeeyay, waxayna ku hanweyneyd inay dadkeeda u adeegto, iyadoo in ka badan shan sano ka shaqaynaysay xafiiska xeer ilaaliyaha guud.

  • Fiame Naomi Mata’afa

    Sawirka kore
    SamoaRa’iisul wasaare

    Haweeneydii ugu horeysay ee ra’iisul wasaare ka noqotay Samoa iyo hogaamiyaha xisbiga Fa’atuatua i le Atua Samoa ua Tasi (Fast). Fiamē Naomi Mataʻafa waxa ay siyaasadda gashay iyada oo 27 jir ah waxayna sidoo kale soo noqotay ra’iisal wasaare ku xigeen, wasiirka haweenka, horumarinta bulshada iyo wasiirka caddaaladda.

  • Salima Mazari

    Sawirka kore
    IranSiyaasiyad horeyna u ahaan jirta gudoomiya degmo

    Salima Mazari, oo ka mid ah saddexda haween ee guddoomiyeyaasha degmooyinka ee Afgaanistaan, ayaa sanadkan qabsatay cinwaannada warbaahinta iyada oo ah hoggaamiyaha aan cabsida lahayn ee malleeshiyada dawladda taageersan, ee dagaalka kula jirta Talibanka.

  • Depelsha Thomas McGruder

    Sawirka kore
    United StatesAasaase – Moms of Black Boys Utd.

    Isbahaysigeedu wuxuu isu keenaa “hooyooyinka walaacsan ee wiilasha madow” ee ka kala yimid Maraykanka oo dhan. Depelsha Thomas McGruder waa aasaasaha iyo madaxa midowga qaran ee Hooyooyinka Wiilashada Madow iyo kan la xiriira ee Midowga MOBB ee Isbeddelka Bulshada, kaasoo diiradda saara beddelka siyaasadaha iyo fikradaha saameeya sida wiilasha iyo ragga madow loola dhaqmo, gaar ahaan hay’adaha fulinta sharciga.

  • Mulu Mefsin

    Sawirka kore
    ItoobiyaKalkaaliso

    Iyadoo ah kalkaaliso caafimaad oo shaqeyneysay in ka badan 10 sano, Mulu Mefsin waxay hadda ka shaqeysaa xarunta One Stop Center ee ku taalla Mekelle, oo ah caasimadda gobolka Tigreega ee Itoobiya. Xaruntu waxay bixisaa adeegyo caafimaad, cilmi nafsi iyo sharci ah oo ay siiso dhibanayaasha xadgudubka galmada iyo rabshadaha.

  • Mohadese Mirzaee

    Sawirka kore
    Duuliye

    Mohadese Mirzaee, oo ah haweeneydii ugu horreysay ee duuliye diyaaradaha rakaabka ah ka noqotay Afgaanistaan, ayaa la wareegtay maamulka diyaaradda Kam Air Boeing 737 duulimaadkeedii ugu horreeyay ee taariikhiga ah ee waddankeeda iyada oo ay wehliyaan dhammaan shaqaale dumar ah horaantii sanadkan. Waxay noqotay duuliye ganacsi Sebtembar 2020.

  • Fahima Mirzaie

    Sawirka kore
    AfghanistanQoob ka ciyaarka – Whirling – dervish.

    Gabadhii ugu horreysay iyo tan keliya ee Afqaanistaan ah ee sameysa qoob-ka-ciyaarka-wirling-ka ah – oo ku shaqaysata qoob ka ciyaar qayb ka ah xafladda Suufiga Islaamka ee Sama. Fahima Mirzaie waxay aasaastay koox faneed oo isku dhafan oo Suufi ah oo soo bandhiga qoob-ka-cayaar iyo bandhig faneed lagu magacaabo Shohood Cultural and Mystical Organization, oo macneheedu yahay dareenka suufiyada.

  • Tlaleng Mofokeng

    Sawirka kore
    Koonfur AfrikaWakiilka qaramada midoobay u qaabilsan xuquuqda caafimaadka

    Magaca lala jecel yahay ee loo yaqano waa Doctor T, waana dhaqtar caafimaad iyo qof u dhaqdhaqaaqa xuquuqda caafimaadka haweenka ee dhinaca galmada iyo taranka iyo caafimaadka taranka, oo u doodda in dunida si fudud looga helo caafimaad, daryeelka HIV iyo adeegyada kala korinta ubadka.

  • Tanya Muzinda

    Sawirka kore
    ZimbabweCiyaaryahanad ciyaarta tartamada mootooyinka buuraha

    Iyadoo ka qaadata tartanka ay ragga u badan yihiin ee motocross, ama tartanka mootada ee wadada ka baxsan, Tanya Muzinda waxay noqotay horyaalnimada waddankeeda ee wareegyada waddooyinka. Waa haweeneydii ugu horeysay ee reer Zimbabwe ah ee ku guuleysata tartanka mootocross-ka tan iyo markii tartanka uu bilowday 1957-dii.

  • Chimamanda Ngozi Adichie

    Sawirka kore
    NigeriaQoraa

    Qoraaga Nayjeeriya ee caanka ah iyo astaanta dumarka oo shaqadiisa lagu turjumay in ka badan 30 luqadood. Chimamanda Ngozi Adichie waxay u guurtay Maraykanka iyadoo 19 jir ah si ay u sii qaadato shahaadada isgaadhsiinta iyo sayniska siyaasadda.

  • Lynn Ngugi

    Sawirka kore
    KenyaWeriye

    Saxafiyadda ku guulaystay abaal marinta Lynn Ngugi waxa ay caan ku tahay shaqadeeda madasha wararka dhijitaalka ah ee Tuko, halkaas oo ay kaga hadashay sheekooyin badan oo dhiirrigalinaya dadka.

  • Amanda Nguyen

    Sawirka kore
    MaraykankaGanacsade bulshadana wax tara

    Gabadhan waa madaxa fulinta ee Rise, oo ah urur ilaaliya xuquuqda dadka la kufsaday ama la faraxumeeyey.

  • Basira Paigham

    Sawirka kore
    AfghanistanU doode xuquuqda dadka laga tirada badan yahay

    Ka shaqaynta xuquuqda LGBTQ+ ee Afgaanistaan waa mid aad u adag laakiin inkasta oo caqabadaha jiraan, Basira Paigham waxay ahayd u dhaqdhaqaaqe sinnaanta jinsiga iyo dad laga tirada badan yahay siddeedii sano ee la soo dhaafay.

  • Natalia Pasternak Taschner

    Sawirka kore
    BaraasiilCilmigia noolaha aan isha arki karin

    Waxay malaayiin dad ah oo Brazil ku nool u keentay macluumaad cilmiyaysan oo naf-badbaadin ah oo muhiim ah intii lagu jiray masiibada Covid-19, iyadoo u adeegsaneysa maqaalladeeda ka baxa wargeysyada, raadiyaha iyo muuqaallada TV-ga.

  • Monica Paulus

    Sawirka kore
    Papua New GuineaOloleeye kasoo horjeeda sixirka iyo dhibaatooyinka gacan ka hadalka

    Si loo caawiyo dhibanayaasha eedeymaha sixirka iyo rabshadaha la xiriira, Monica Paulus oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqda aadanaha waxay iskaashi la sameysay Shabakadda Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha Haweenka ee Highlands. Ururku waxa uu hoy iyo la-talin sharci siiya haweenka lagu eedeeyo sixirka, waxaana ay u gudbiyaan kiisaskooda Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah.

  • Rehana Popal

    Sawirka kore
    AfghanistanGaryaqaanad

    Khabiir ku takhasusay socdaalka iyo sharciga madaniga, Rehana Popal ayaa hadda ka shaqaynaysa sidii ay u taageeri lahayd turjumaannada Afgaanistaan, tarjumaannada iyo kuwa kale ee ka hadhay ka bixitaankii Nato ee Afgaanistaan.

  • Manjula Pradeep

    Sawirka kore
    HindiyaU doode xuquuqda aadanaha

    Qareenka iyo u dhaqdhaqaaqda xuquuqda bulshooyinka ugu badan ee lagu yaso Hindiya. Iyadoo soo jeeda qoys Dalit ah oo reer Gujarat ah, Manjula Pradeep waxay caan ku tahay shaqadeeda ka dhanka ah jinsiga iyo takoorka jinsiyadeed. Waxay soo noqotay agaasimaha fulinta ee Navsarjan Trust, oo ah hay’adda ugu weyn Hindiya ee xuquuqda Dalits (oo hore loogu yaqaannay lama taabtaan).

  • Razma

    Sawirka kore
    AfghanistanMuusikiiste

    Muusikiiste karti badan, Razma waxa ay ciyaartaa qalab inta badan loo qoondeeyay ragga. Waxay ka qalin jabisay fanka iyo muusiga qoys fannaaniin ah, waxay la ciyaartay fanaaniin caan ah oo ku baahsan Afgaanistaan iyo caalamkaba.

  • Rohila

    Sawirka kore
    AfghanistanArdayad

    Gabadha iskuulleyda ah ee Rohila ayaa waxaa saameeyay ka saarista gabdhaha Afgaanistaan ee dugsiyada sare tan iyo markii ay soo laabteen Taliban. Maaddooyinka ay ugu jeceshahay waa saynis iyo Ingiriis, waxayna aad u xiisaysaa inay ku biirto walaalaheed u orda dugsiga subax kasta.

  • Alba Rueda

    Sawirka kore
    ArgentinaUdoode dadka jinsiyada bedesha

    Iyadoo noqotay qofkii ugu horreeya ee jinsiyadda isbaddalay ah oo dalkeeda ka qabta jago dowladeed oo sare, Alba Rueda waa xog-hayaha hoose ee Argentina ee siyaasadaha kala duwanaanta ee wasaaradda haweenka, jinsiga iyo isdhexgalka.

  • Ruksana

    Sawirka kore
    AfghanistanDhaqtarka qaliinka

    Dr Ruksana waa dhakhtar qalliin iyo kaaliye barfasoor. Waa aasaasaha hay’ad bixisa daryeel caafimaad oo aasaasi ah oo siisa bukaannada uga soo barakacay gobollada kale ee Afgaanistaan colaadda awgeed.

  • Xalima Sadaf Karimi

    Sawirka kore
    AfghanistanSiyaasiyad ahna xildhibaanad hore

    Xaliimo Sadaf Karimi oo ah qareen horeyna uga soo noqotay baarlamaanka Afgaanistaan kana soo jeeda waqooyiga gobolka Jowzjan ayaa ah siyaasi khibrad sanado badan leh.

  • Roya Sadat

    Sawirka kore
    AfghanistanMuuqaal sameeye

    Haweeneydii ugu horreysay ee agaasime filim ah oo soo ifbaxda xilligii Taliban ee Afgaanistaan. Labaatan sano aflaanteedu waxay ka soo muuqanayeen codadka dumarka Afqaanistaan, noloshooda iyo xannibaadaha lagu soo rogay.

  • Shogufa Safi

    Sawirka kore
    AfghanistanHogaamiye Muusiga Orkestara

    Iyadoo ah maareeyaha Zohra, oo ah kooxdii ugu horeysay ee dhammaan dumarka ah ee Afgaanistaan, Shogufa Safi waxay hoggaamisaa koox fannaaniin ah oo 13-ilaa 20 jir ah, kuwaas oo qaarkood ay ka yimaadeen guryo sabool ah ama agoon ah.

  • Sahar

    Sawirka kore
    AfghanistanCiyaaryahan kubbadda cagta ah

    Mid ka mid ah gabdhaha da’da yar ee doonaya inay kubbadda cagta ka ciyaaraan Afgaanistaan, laakiin aan hadda awoodin inay hoos yimaadaan xukunka Taliban. Saxar waxa ay u ciyaari jirtay dhawrkii sano ee u dambeeyay koox kubbadda cagta deegaanka ah oo ay saaxiibo badan kula kulmeen ciyaarista ciyaaraha.

  • Soma Sara

    Sawirka kore
    Boqortooyada ingiriiskaAasaase – Everyone’s Invited

    Ciwaanka caanka ah ee instagram-ka iyo website-ka Everone’s Invited, oo ah madal loogu talogalay dadka soo maray tacaddiyada galmada, ayay aasaastay Soma Sara bishii Juun 2020. Waxay siisaa dhibbanayaasha meel ay kusoo bandhigaan markhaatifurka xadgudubka galmada iyagoo aan la aqoonsaneynin, si ay u cambaareeyaan tacaddiga galmada iyo inay gacan ka geystaan ciribtirka “dhaqanka kufsiga” ee UK ee dugsiyada iyo jaamacadaha.

  • Mahbouba Seraj

    Sawirka kore
    AfghanistanU doode xuquuqda haweenka

    Ka dib 26 sano oo musaafuris ah oo ay ku joogtay Maraykanka, Mahbouba Seraj waxay ku laabatay dalkeeda Afgaanistaan 2003dii. Tan iyo markaas, waxay wax ka aasaastay oo ay hogaamisay tiro ururo ah oo u halgama xuquuqda haweenka iyo carruurta – oo ay ku jiraan Shabakadda Haweenka Afgaanistaan, oo ah aasaaska dhaqdhaqaaqa haweenka soo koraya ah ee dalka.

  • Elif Shafak

    Sawirka kore
    FaransiisQoraa sheekooyinka

    Qoraaga ku guulaystay abaalmarinta dhalashadeedu tahay Turkish-British iyo qof u doodaha haweenka iyo xuquuqda LGBTQ+.

  • Anisa Shaheed

    Sawirka kore
    AfghanistanWeriye

    Iyadoo ka mid ah wariyeyaasha ugu caansan Afgaanistaan, in ka badan toban sano Anisa Shaheed waxay soo tebisey sheekooyin ku saabsan xadgudubyada-xuquuqda aadanaha, siyaasadda iyo musuqmaasuqa. Waxay u shaqaynaysay Tolo News oo ah mid ka mid ah kanaalada ugu saamaynta badan taleefishinada dalka, waxayna ka warbixisay wararkii ugu dambeeyay ee goobta.

  • Mina Smallman

    Sawirka kore
    IngiriiskaBaadariyad iyo macallimad

    Waxay 2013 noqotay haweeneydii ugu horreysay ee Kaniisadda England ka soo jeedda oo madow ama qowmiyad laga tiro badan yahay. Hadda waa baadariyad Anglican ah oo howlgab ah iyo macalimad dugsi, Mina Smallman waxay u ololeyneysay inay waddooyinka UK noqdaan kuwo ammaan ah iyo in dib u habeyn lagu sameeyo booliiska.

  • Barbara Smolinska

    Sawirka kore
    PolandAasaase – Reborn Sugar Babies

    Boombaleyaasha runta loo ekeysiiyay ee “dib u dhashay” waxay caawiyaan qaar ka mid ah dumarka ay ilmaha kasoo dilmaan ama carruurta ka dhintaan, qaarna waxay ka caawiyaan inay la tacaalaan cabsida, welwelka iyo arrimaha taranka. Polish Barbara Smolińska oo ah farshaxamiiste u dhashay Poland waa naqshadeeye iyo sameeye, soo saarta boombalaha ilmaha nool oo kale ah oo loo isticmaali karo kaalmooyin daweyn ah.

  • Ein Soe May

    Sawirka kore
    Myanmar/BuurmaU dooda dimuqraadiyadda

    Kaddib markii ay xireen militeriga Myanmar ee Junta, Ein Soe May (oo uusan magaceeda dhabta ah sidaas ahayn) waxay xabsiga ku sii jirtay lix bilood ilaa markii dambe lagu sii daayay cafis dhawaan la fidiyay. Waxaa lagu hayay mid ka mid ah xarumaha badan ee militerigu ay dadka su’aalaha ku weydiiyaan iyo xabsiga caanka ah ee Insein, waxayna waqtigii ay xirneyd ku tilmaantay mid aad u adag iyadoo sheegtay in maskax ahaan iyo jir ahaanba loo waxyeelleeyay.

  • Piper Stege Nelson

    Sawirka kore
    MaraykankaSarkaalka xeeladaha dadweynaha – The Safe Alliance

    Iyadoo ah msarkaalka madaxda ka ah istiraatiijiyadda dadweynaha ee Isbahaysiga Badbaadada ee Austin, Texas, Piper Stege Nelson waxay kala shaqeysaa bulshada si loo joojiyo xadgudubka carruurta, faraxumaynta galmada, rabshadaha qoyska iyo ka ganacsiga galmada.

  • Fatima Sultani

    Sawirka kore
    AfghanistanBuuralay – dadka buuraha fuula

    Ka dib markii ay bilowday fuulista buurta oo u ahayd hiwaayad sanadkii 2019, Fatima Sultani waxay ka dhigtay hawsheeda inay ku dhiirigeliso xiisaha gabdhaha Afgaanistaan ​​ee buuraha fuula.

  • Adelaide Lala Tam

    Sawirka kore
    ShiinahaNaqshadeeye

    Farshaxaniiste iyo naqshadeeye cunto oo shaqadoodu ay mid wax badan ka ogaaneysa doorashada qaab nololeedkeena, gaar ahaan marka la eego xiriirka casriga ah ee nagala dhexeeya cuntada.

  • Sister Ann Rose Nu Tawng

    Sawirka kore
    Myanmar/BuurmaWadaad madhabta katooliga

    Wadaadda madhabta Katooliga waxay calaamad u noqotay mudaaharaadyada Myanmar ee ka dhanka ahaa milatariga la wareegay xukunka kaddib markii ay jilba dhigatay booliiska hortiisa si ay u badbaadiso mudaaharaadayaasha gabbaadka ka dhiganayay kaniisaddeeda.

  • Emma Theofelus

    Sawirka kore
    NamibiaSiyaasi

    Waxay noqotay mid ka mid ah golaha wasiirada ugu da’da yar Afrika – iyada oo 23 jir ah markii la magacaabay – sannadkii hore. Emma Inamutila Theofelus waa xubin baarlamaanka ka tirsan iyo wasiir ku xigeenka warfaafinta iyo tignoolajiyada isgaarsiinta, iyada oo hawsheedu tahay hogaaminta dadaallada isgaarsiinta rasmiga ah ee dalka ee Covid-19.

  • Sara Wahedi

    Sawirka kore
    AfghanistanMadaxa fulinta – Ehtesab

    Waa aasaasaha shirkadda billowga tignoolajiyada Afgaanistaan ee Ehtesab, oo wax soo saarkeedii ugu horreeyay uu yahay app fuliya adeegga amniga, awoodda iyo digniinta taraafikada ee dadka deggan Kabul. App-ku waxa uu cadeeyay inuu muhiim u yahay siinta Afgaanistaan ​​macluumaad ku saabsan dabeecadda iyo heerka ay le’eg tahay khatarta ku xeeran, isagoo la wadaagaya macluumaad lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan weerarrada walxaha qarxa (IED), garaaca dadweynaha iyo weerarrada guryaha.

  • Vera Wang

    Sawirka kore
    MaraykankaNaqshadeeye dharka ah

    Naqshadeeye caan ah oo sameysa dharka arooska oo safka hore kaga jirtay sameynta dharka ilaa 1970-meeyadii, Vera Ellen Wang waxa ay balaadhisay ganacsigeeda oo ay kudartay udgoonka, daabacaadda, naqshadaynta guriga iyo waxyaabo kale.

  • Nanfu Wang

    Sawirka kore
    ShiinahaMuuqaal sameeye

    Iyadoo asal ahaan ka timid tuulo fog oo Shiinaha ku taalla, filim sameeyaha abaalmarinta ku guulaystay Nanfu Wang ayaa hadda ku nool oo ka shaqeeya Maraykanka.

  • Roshanak Wardak

    Sawirka kore
    AfghanistanDhakhtarka haweenka

    Dr Roshanak Wardak oo horay u ahaan jirtay xubin baarlamaanka ka tirsan iyo khabiir ku takhasusay cudurrada haweenka, ayaa adeegyo caafimaad u fidinaysay haweenka in ka badan 25 sano, iyada oo xitaa ka shaqaynaysay xilligii ugu horreeyay ee Taliban xukunka haysteen iyadoo ah haweeneyda keliya ee dhakhtar ah ee gobolka ay ku dhalatay ee Maidan Wardak.

  • Ming-Na Wen

    Sawirka kore
    MacauAtariisho

    Codka la saaray jilaaga Fa Mulan ee ku jira filimka kartoonka ah ee Mulan (1998) iyo Mulan II (2004), Ming-Na Wen waxa ay sidoo kale jishay riwaayadda caafimaadka ee caanka ka ah Mareykanka ee ER iyo muuqaalka Inconceivable, oo ah mid ka mid ah filimada faro ku tiriska ah ee Mareykanka oo jilayaasha reer Aasiya ay hormuudka ka yihiin.

  • Rebel Wilson

    Sawirka kore
    AustraliaAtariisho, qoraa iyo soo saare

    Atariishada filimka Hollywood Megastar: ahna qoraa, soo saare iyo agaasime – sidoo kale waxay ka qalin jabisay kulliyadda sharciga. Xirfadeeda jilitaanku waxay ka bilaabatay masraxyada Sydney, halkaas oo ay inta badan ku qori jirtay buugaagteeda, waxayna magac ku yeelatay majaajilada Australia ka hor intaysan u wareegin Mareykanka 2010.

  • Benafsha Yaqoobi

    Sawirka kore
    AfghanistanU doode curyaamiinta

    Yaqoobi iyo seygeeda oo labadooduba indhoolayaal ah ayaa aasaasay ururka Rahyab Organisation si ay waxbarasho iyo dhaqan celin u siiyaan indhoolayaasha Afgaanistaan. Benafsha Yaqoobi oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqul insaanka ayaa sidoo kale guddoomiye ka soo noqotay guddiga madaxa banaan ee xuquuqul insaanka ee dalka, iyadoo diiradda saari jirtay waxbaridda carruurta indhoolayaasha ah.

  • Malala Yousafzai

    Sawirka kore
    PakistanLa -aasaase, Malala Fund

    Malala Yousafzai, oo ah qofka ugu da’da yar ee ku guulaystay abaalmarinta nabadda ee Nobel, ayaa ah u dhaqdhaqaaqaha waxbarashada gabdhaha Pakistan iyo sidoo kale ergayga nabadda ee Qaramada Midoobay. Waxay ka hadlaysay xaqa ay haweenka da’da yar u leeyihiin waxbarashada tan iyo markii ay ahayd 11 jir.

  • Yuma

    Sawirka kore
    TurkmenistanDaaweeye cudurada maskaxda

    Waxaa lagu khasbay inay ka tagto Ruushka kaddib markii ay ka soo qayb gashay xayaysiis dukaan suuq ah oo qoyskeeda ka soo muuqdeen xaflad loogu dabaaldagayay dadka jinsiyadaha isku midka ah ee is calmada bishii Ogosto ee la soo dhaafay. Iyadoo ah Daaweeye cilmi-nafsi iyo u dhaqdhaqaaqe LGBTQ+, Yuma waxay hadda ku nooshahay Spain.

  • Zala Zazai

    Sawirka kore
    AfghanistanAskariyad

    Ku-xigeenka haweeneydii ugu horreysay ee madaxa waaxda dambi-baarista ee booliiska ee gobolka Khost ee Afgaanistaan, gobolkaas oo noqday mid si isa soo taraysa uga xasiloonaaday dhaqdhaqaaqa kooxaha fallaagada. Lieutenant labaad Zala Zazai waxay ka mid ahayd ilaa 4,000 oo haween ah oo ka tirsan booliiska dalkaas, waxayna tababar xirfadeed ka heshay dugsiga booliiska ee Turkiga.

back_to_top_icon.svg?cachebust=1.0.202112071004 Kor ku laabo
Short presentational grey line

Sidee lagu doortay 100-ka Haween?

kooxda 100-ka Haween ee BBC ayaa magacyo kooban ku soo reebay liis ay soo gudbiyeeb iyaga ayna soo jeediyeen laamaha BBC-da. Waxaan dooneynay haween 12-kii bilood ee lasoo dhaafay qabsaday warbaahinta amaba saameyn reebay, iyo sidoo kale kuwa haya sheekooyin dhiirrigelin leh, gaaray guulo la taaban karo amaba saameyn ku yeeshay bulshooyinkooda. Magacyada faraha badan ee la soo gudbiyay ayaa haddana lagu qiimeeyaa hal ku dhigga sanadkan ee – haweenka isbeddellada sameynaya’, ee qaadanaya doorkooda ku saabsan isbeddelka caalamka, kaddib xanuunka safmarka ah ee dunida saameeyay qaar badan oo naga mid ah ayaa ku qasbanaaday inay dib u eegis ku saameeyaan qaabka ay u nool yihiin. Waxaa sidoo kale lagu qiimeeyay wkaiilnimada goboleed iyadoo la iska ilaalinayo dhinac u janjeerid, kahor inta aan la dooran magacyada kama dambeysta ah.

Sanadkan 100-ka Haween ee BBC ayaa waxaa go’aan lagu gaaray in kala bar liiska ay ka soo muuqdaan haween ka soo jeeda hal dal – Afghanistan. Dhacdooyinkii dhowaan ka dhacay dalkaas ayaa caalamka qabsaday iyadoo malaayiin qof oo reer Afghanistan ahna ay su’aal geliyeen mustaqbalkooda, iyadoo kooxaha u dooda xuuquqda aadanaha ay cabsi ka muujiyeen in haweenka xorriyadda laga qaado marka la eego mustaqbalka iyo Taliban oo xukunka heysa. Innaga oo kala bar liiska u qoondeynay haweenka ka soo jeeda amaba ka shaqeeya dalkaas, ayaa waxaan dooneynay inaan iftiiminno inta haween ee lagu qasbay inay ka tanaasulaan waxyaabo badan oo noloshooda quseeya, iyo inaan sidoo kale soo bandhigno codadka kuwa la aamusiyay amaba qeybta ka ah qurbajoogta cusub ee Afghanistan.

Taariikhdu markay ahayd 3-dii bishan December, Taliban ayaa soo saartay digreeto uu ku xusan yahay magaca hoggaamiyahooda sare oo wasaaradaha ku amraya “inuu tallaabo adag” ka qaado xuquuqda haweenka. Digreetada ayaa waxaa ku xusan shuruucda lagu maamulayo guurka iyo hantida haweenka, waxaa lagu xusay inaysan ahayn in haweenka lagu qasbo guur isla markaana aanan loo arkin inay yihiin “hanti”. Balse digreetadan ayaa la cambaareeyay maaddaama aan lagu xusin waxbarashada dugsiga sare ee gabdhaha iyo xuquuqda shaqo ee haweenka.

Qaar ka mid ah haweenka Afghanistan ee liiska ku jira lama xusin magacyadooda si loo dhowro iyaga iyo qoysaskoodaba, iyadoo oggolaansho laga hayo ayaa waxaa sidoo kale la dhowrayaa dhammaan shuruucda BBC-da ee Siyaasadda Tifaftir iyo bedqab.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this