Sign in to follow this  
Hibo

Kaluunka (gabaygii cali maax)

Recommended Posts

Hibo   

gabaygan waxaa tiriyey alla ha u naxariistee marxuum cali maax oo ahaa nin mashriq iyo maqrib laga yaqaanay wadanka somalia guud ahaan waa ninka ay dhex martay sheekadii jacaylka ahayd ee la magac baxday Cawrla iyo Cali maax.gabaygan wuxuu kaga hadalaya kaluunka iyo faaidadiisa.

 

waxaan ka helay web page kale aad baana u jeclaystey una dooney inaan idinla qaybsado.

 

Marxuumka alaha naxariis haka waraabshee wuxuu yidhi:

 

Kalluunkeenu waa sacoobaanka iyo,soddon kun jaade

Seerseer macaanow Tebediinku waa, ugu sarreeyaaye

Oo sallalaahu Nebigii ayaa, seef ku gowracaye

 

Saxal iyo abaar kuma kacdiyo, sama kaliileede

Ma saanyado col duulaa hadduu, sarida kuu deexan

Saxar cuduri saymaha adduun, abid ma saysaansho

 

Ninkiise saansaanyaha yaqaan iyo badaha saamkooda

Oo subaxdii horeetaba kacoo, seebka taranteersha

Waa sahay daleelaha u taal, saacad dabadeede

 

Nin saboola iyo maalqabeen baa,sadho dhextaallaaye

Waxse loo simay waa kalluun, sebi un baa mooge

Waxa uu nafaqo siinayaa, jiidh solmoo tegaye

 

Badda Saylac Saaxiyo Berbera, tan iyo Seyhaaba

Waxa sare iyo hoos ku jira, waa sareedada'e

Soomaali baan garan intay, silic ku noolayde.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this