Hibo Posted November 2, 2002 gabaygan waxaa tiriyey alla ha u naxariistee marxuum cali maax oo ahaa nin mashriq iyo maqrib laga yaqaanay wadanka somalia guud ahaan waa ninka ay dhex martay sheekadii jacaylka ahayd ee la magac baxday Cawrla iyo Cali maax.gabaygan wuxuu kaga hadalaya kaluunka iyo faaidadiisa. waxaan ka helay web page kale aad baana u jeclaystey una dooney inaan idinla qaybsado. Marxuumka alaha naxariis haka waraabshee wuxuu yidhi: Kalluunkeenu waa sacoobaanka iyo,soddon kun jaade Seerseer macaanow Tebediinku waa, ugu sarreeyaaye Oo sallalaahu Nebigii ayaa, seef ku gowracaye Saxal iyo abaar kuma kacdiyo, sama kaliileede Ma saanyado col duulaa hadduu, sarida kuu deexan Saxar cuduri saymaha adduun, abid ma saysaansho Ninkiise saansaanyaha yaqaan iyo badaha saamkooda Oo subaxdii horeetaba kacoo, seebka taranteersha Waa sahay daleelaha u taal, saacad dabadeede Nin saboola iyo maalqabeen baa,sadho dhextaallaaye Waxse loo simay waa kalluun, sebi un baa mooge Waxa uu nafaqo siinayaa, jiidh solmoo tegaye Badda Saylac Saaxiyo Berbera, tan iyo Seyhaaba Waxa sare iyo hoos ku jira, waa sareedada'e Soomaali baan garan intay, silic ku noolayde. Quote Share this post Link to post Share on other sites