Sign in to follow this  
Deeq A.

“Waxa Aynu La Socona In Sannadkii Hore Baarlamaanka JSL Kaabis Iyo Wax Ka Bedel Ku Sameeyay Xeer/50/2011 Oo Madaxweynuhuna Saxeexay, Xeerkaas Oo Ogolaanayay In …”

Recommended Posts

Deeq A.   

“Waxa maanta yaqyaqsi ah in wasaaraddeena Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyaddu ku faanto in ay horumarka teknoolajiga ka shaqaynayso iyada oo aynu la socono in Afartii sano ee Madaxweyne Muuse xilka hayay wasaaraddu cunaha haysay shirkaddihii ka shaqayn lahaa horumarka Teknoolajiga ee Somaliland ugu waaweyna ee ay ka mid yihiin Dahabshiil iyo Telesom.

Waxa aynu la socona in sannadkii hore baarlamaanka JSL kaabis iyo wax ka bedel ku sameeyay xeer/50/2011 oo madaxweynuhuna saxeexay, xeerkaas oo ogolaanayay in shirkadaha Isgaadhsiintu keeni karaan xadhkaha Internet-ka ee badda hoosteeda mara, waxaanan la socona in aan ilaa maanta la siin shirkadahaas liisankii ay ku keeni lahaayeen Xadhkaha Internet-ka ee badda hoosteeda mara oo loo diidan yahay.

Waxa is waydiin mudan mee ballanqaadkii Madaxweynuhu ololaha ku galay ee ahaa saraynta sharciga, maxaase loogu diidan yahay shirkadahaas muwaadiniinta ah ee dalka maalgashiga geliyay ee shaqo abuurka dalka qaybta ugu weyn ka qaata…” halkan hoose ka DAAWO

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this