Sign in to follow this  
Deeq A.

Mooshinka Roodhida Hargeysa+Roodhilayaashii oo kitaab isku dhaariyey & Aragtida Dhamme

Recommended Posts

Deeq A.   

Mooshinka Roodhida Hargeysa+Roodhilayaashii oo kitaab isku dhaariyey & Aragtida Dhamme

 roodhi.jpg
Hargeysa waxa ku yaal 21 Wershadaha soo saara Roodhida Korantada lagu dubo, waxay soo saaraan qiyaas ahaan maalin kasta 150,000 xabbo oo Roodhi ah, waxa soo gali jiray si maalinle ah Wershadaha adduun lacageed $35,117 qiimaha ay kordhiyeen hadda waxay soo geliya lacag dhan $44,117. qiimaha waxay siin jireen Wershaduhu 2000 SHSL ah, waxay ka dhigeen 2500 SHSL, dukaamadu shacabka waxay ka siinayaan 3000 SHSL. Xukuumadda Xisbiga KULMIYE Sicir-bararka xadhkaha goostay xal uma hayso jawaabteeduna waa waxba lagama qaban karo!
Qodobka 11(2) Dastuurka Somaliland wuxuu si cad u xaarantineeyay Kooto cid gaara in loogu xidho ganacsi si ay kelidood u macaashaan, talaabaada Roodhiilayaashu qaadeen waa gef sharci in loo heshiiyo shacabka oo weliba fagaare laysku dhaarsadaa waa damiir la’aan. waajib waxa ku ah xukuumadda in ay qaaddo talaabo sharci. shacbkana waxa la gudboon baraarug iyo xisaabtan si aan loo miiran dhiigooda oo aan maalinba qol loogu heshiin.
Nimankaa waa in si degdeg ah caddaalada loo hor geeyaa. Waxay si wadajir ah ugu tashadeen Bulshadii ay wax ka iibinayeen, waxay meel ka dhac weyn ku sameeyeen Suuqii xorta ahaa, waxaa kale oo ay si dadban meesha uga saareen Tayadii uu qofka wax iibsanayaan ku kala dooran lahaa midda fiican.
Waxaa kale oo ay ku dhaarteen in Roodhiile kasta ay meherado gaar ahi u xidhnaadaan oo aan mid kale wax keeni karin.
Wasaaradda Ganacsiga iyo ciddii kale ee ay khusayso waa inay arintan degdeg u soo farageliyaan iyagoo qaadaya talaabooyinka soo socda.
1 in dhaartaa oo laga yaabo in qaarkood oo tartanka ku fashilmay ay soo abaabuleen, waa in la buriyaa, oo ay ka noqdaan.
2. In xabbad kasta oo Rooti ah oo la soo saarayaa ay lahaayo miisaan ( inta garaam) ee ay tahay la xadido isla markaana lagu ilaaliyo miisaankaa.
3. In suuqa xorta ay u hogaansamaan, oo tartanka aan la cunaqabatayn si Roodhiile kastaa u wanaajiyo wax soo saarkiisa.
Dawladu inay Roodhidaa eedo waa suurta gal.
May be an image of 2 people and text that says 'Made with VideoShow'

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this