Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre Oo Dhaariyay Xubin Guddida Dacwadaha Cashuuraha Qaranka ka tirsan

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda oo dhaariyay Xubin Guddida Dacwadaha Cashuuraha Qaranka JSL ka tirsan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Aadam X. Cali Axmed, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 01/12/2021-ka, dhaariyay mudane Cali Baashe Maxamed, oo laga bilaabo maanta ka mid noqonaya xubnaha Guddida Dacwadaha Cashuuraha Jamhuuriyadda Somaliland.

Mudane Cali Baashe Maxamed ayaa buuxiyay jago ka banaanaatay Guddida Dacwadaha Cashuuraha, taasi oo uu Maxkamadda Sare u soo gudbiyay, guddoomiyaha Guddida Dacwadaha Cashuuruhu, codsi ku saabsan buuxinta jagadaasi, si waafaqsan qodobka 215 ee Xeerka Dakhliga Cashuuraha Bariga Xlr. 72/2016.

Dhaarinta ka dib guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali Axmed, waxa uu kula dardaarmay mudanaha in uu qaranka ugu adeego si daacad ah, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this