Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland Oo Ka Jawaabtay Wararka Sheegaya Inay Taageero U Muujisay Dagaalka Ay Dowladda Itoobiya Kula Jirta TPLF

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland D.R Ciise Kayd Maxamuud oo waraysi siiyay BBC Somali, ayaa sheegay in xukuumada Somaliland ay dhex ka tahay arrimaha Itoobiya.

Wasiir Kayd ayaa sheegay in Somaliland ay soo dhawaynayso dadaalkasta oo keenaya in Itoobiya nabad lagu soo dabaalo, lakin mawqifka siyaasada arrimaha dibada Somaliland uu yahay in anay Somaliland faragalin siyaasada arrimaha gudaha dal kale.

“Waxaanu taageersanahay waxkasta oo nabadgalyo iyo dhex dhexaadin ah oo Itoobiya ka socda, anaga Somaliland ahaan  in aanan faragalin siyaasada gudaha ee Itoobiya weeyan mowqifka siyaasadayada arrimaha dibadda” ayuu yidhi Kayd.

Wasiirka oo ka ayaa dhinaca kale sheegay in madaxweynaha Dowlada Deegaanka Soomaalida iyo madaxweyne Biixi ay ka wada hadleen amniga, iskaashiga iyo arrimo la xidhiidha sirdoonka.

“Iskaashi uunbaa laga hadlay, nabad galyada ayaa laga hadlay iyo in la is waydaarsado sirdoonka, xidhiidhkii caadiga ahaa ee Itoobiya iyo Somaliland ka dhaxayn jiray uun baa laga wada hadlay” ayuu yidhi Kayd

Kadib kulankii Hargaysa ku dhex maray madaxweyne Cagjar iyo madaxweyne Biixi, ayay warbaahinta dowlada Itoobiya ee EBC oo ka waramaysay wixii laga wada hadlay sheegtay in madaxweyne Biixi taageeray dagaalka Itoobiya kula jirto Tigrey.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this